18th April 2024  admin  Category :

Raashinkii Turkigu ugu deeqay Danyarta Soomaaliyeed  oo Cabdirashiid Xidig Jumladda uga gatay Puntland ayaa hadda suuqyada Puntland lagu gadayaa

Raashinkii Dowladda Turkiga ay ugu deeqday dadka dhibaataysan ayaa lagu xaraashayaa Suuqyadda magaalooyinka Puntland, xilli ay jiraan abaaro ba’an oo dadka iyo duunyada saameeyay.

Dadka danyarta ah ee ku nool degmada Jariiban iyo deeganada ku dhow ee gobalka Mudug ayaa sheegay inaan loo qaybin, waxaana ay sheegeen iney yaalaan Suuqyada oo la xaraashayo.

Kiishka Burka ah ayaa jooga $ 26, halka midka Turkiga lagu xaraashayo $ 15, waxaana la sheegay iney wax ka og yihiin Maamulka degmada Jariiban iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka.

Raashinkii hore ee Turkigu ugu deeqay dadka danyarta ah ayaa la dhamaystay, waxaana hada la xaraashayaa kii dambe oo loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an ee jira.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa si weyn loogu iibinayaa Deeqdii gargaarka ahayd ee turkigu ugu tallagalay danyarta,waxana ka mid ah magaalooyinka raashinkan lagu iibinayo Bosaaso,Garoowe,Qardho.

Gargaarkii Turkiga ayaa lagu xaraashayaa Suuqyada dhamaan deegaanada Puntland, waxaana iibsanaya dadka hantida leh, dadka ay abaaruhu saameeyeena qayla dhaan joogta ah ayay soo dirayaan.

Maamulada degmooyinka oo xiriiro kala duwan lala sameeyay ayaa ku andacoona iney i iibinayaan si ay isaga yareeyaan daymaha lagu leeyahay.

15032486_818663824940808_217019472_n115050384_818663674940823_1000200780_n-640x79615050408_818663678274156_1172965099_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*