8th September 2024  admin  Category :

Dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed oo ka dhashay weerarkii ay Dad qalatooyinku  ka geysteen

Dhimasho Dad rayid ah, dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaa ka dhashay qaraxyo ay argagixisadu la beegsadeen bartilmaameedyo Rayid oo ku yaalla wadda Maka Almukarrama iyo Jidka 21 Oktoobar ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Argagixisada ah ayaa waxay galeen dhisme ay Dad Rayid ah deggan yihiin, halkaas oo ay dhufeys ka dhigteen, waxanay Ciidamadu ku howlan yihiin sidii ay ugu sifeyn lahaayeen Malleeshiyada.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay Saddex ka mid ahaa Kooxdii weerarka soo qaadday, waxanay Ciidamadu wadaan soo badbaadinta Dadka halkaasi ku jira, waloow intooda badan laga soo saaray dhismaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta weerarka oo dhab ah iyo qasaarahii ka dhashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*