2nd March 2024  admin  Category :

Dhibaatada Soomaalidu ay ku qabaan Dal-ku-galka Kenya

Ka hadlidda dhibta ka taagan qaadashada dal-ku-galka Kenya ayaa soo cusboonaatay kadib markii warqad dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay been-abuur lagu faafiyay baraha bulshada.

Warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo warqadda been-abuurk ah daba socotay ayaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay ka filanayso dowladda Kenya in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed fiisaha ku siin doonto sidii heshiisku ahaa.

Heshiiska laga filayo in ay Kenya kasoo baxdo wuxuu dhacay kulan bishii todobaad ee sanadkii hore ay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen aqalka madaxtooyada ee Kenya. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya loogu ballan qaaday sahal u helidda fiisaha dal-ku-galka Kenya, hase ahaatee, weli muwaadiniin badan oo Soomaali ah ayaa cabasho isa soo taraysay ka muujiyay helitaanka dal-ku-galka Kenya.

Cabashada shacabka Soomaaliyeed

Shirkadaha soosaara fiisooyinka, jarana tikidhada diyaaradaha ayaa ka mid ah dadka cabanaya.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo leh ganacsi Soomaalida usoo saari jiray dal-ku-galyada Kenya wuxuu BBC-da u sheegay in uu dareemay isbedel weyn oo ku yimid helista fiisaha Kenya. “Waxaan dareennay bishii sagaalaad illaa iyo hadda. Culays waxaa jira dhanka fiisaha Kenya ah” ayuu yiri.

Maxamed wuxuu sheegay in mudaddii fiisaha lagu heli jiray ay korortay, ” awal waxaa lagu heli jiray sadex illaa shan maalmood, hadda illaa bil iyo toban beri ayaa lagu helaa” ayuu yiri.

Taas waxaa sii dheer, ayuu yiri, in qarashkii lagu heli jiray uu sarakac laba jibaar ah ku yimid, “markii hore waxay ahayd 250 Doolarka Maraykanka ah, hadeer waxaa lagu helaa 450 illaa 500 oo doolarka Maraykanka ah” ayuu Maxamed sheegay isagoo xusay in sidaas ooy tahay aanan la hubin in fiisada la helayaba.

Maadaama Soomaaliya aysan ku ool safaarado caalami ah, amni xumada jirta awgeed, Soomaalidu waxay adeega fiisaha ka doonataa dalalka deriska Soomaaliya la ah sida Kenya. Dadka Kenya taga waxay isugu jiraan dad baahiyo kala duwan qaba. Tiro aad u badan oo dadkaas ah waxay dibadda u doontaan adeegyo caafimaad taas oo ku qasabta in ay Kenya marka hore tagaan si ay safaaradaha wadamada ay ku jeedaan fiisa uga raadsadaan.

Dad waxaa jira baahiya kala duwan qabay oo markii ay ku adkaatay in ay fiisaha Kenya helaan iska dhaafay iyada dhan. Dadka ay fiisadu kasoo daahday, dabadeedna isakaba dhaafay waxaa ka mid ah Cabdinuur Axmed Maxamed oo caafimaad u socday. Wuxuu sheegay in uu siduu u raadinayay fiisaha uu ka quustay, “mudo laba bilood ah waan sugaayay…aad ay u daahday, waxaan ka badashay taraafal agensigii ee wax ii dalbaayay, hadana mid kalaan u wareegsaday, adiga akhiirankii waan waayay” ayuu yiri.

Diyaarad

Qarash ka baxay iyo iska-daba-wareeg dheer kadib, Cabdinuur wuxuu sheegay in uu go’aansaday in uu iskaba dhaafay Kenya aadisteeda.

Baahida caafimaad waxaa soo raaca baahiyo kale oo ku qasbaya muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Kenya tagaan. Cabdiweli Axmed Xuseen wuxuu ka mid yahay arday ka baxday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Talyaaniga.

Cabdiweli iyo ardaydii la socotay waxay ku qasbanaayeen in ay safaaradda Talyaaniga ee Kenya tagaan halkaas oo xogtooda waxbarasho ay tiilay, fiisana laga siin lahaa. Hasayeeshee, Cabdiweli wuxuu BBC-da u sheegay in ay taas adkaatay “markii aan tagnay goobaha taraafal agensiga ee xareeya fiisayaasha wadanka keenya, waa ay noo suurtageli weysay in aan fiisihii helno, weliba waqti dheer ayay nagu qaadatay” ayuu yiri.

Isagoo ka hadlaya quustu inta ay gaarsiisnayd Cabduweli wuxuu yiri “qaar ka mid ah taraafal agensiyada waxay si cad noogu sheegeen in aysan soo saari kerin fiisaha”. Wuxuu intaas ku daray in haddii la isku dayo, loo sheegay, in mudo bil ka badan ay qaadanayso soo bixista fiisaha.

Waqtiga ayaa ardayda cariiri ku ahaa maadaama jaamacadaha ay u socdeen laga rabay in ay mudo kooban gudaheed iska diiwaangeliyaan. Cabdiweli wuxuu sheegay in laga rabay in bisha Oktoobar Kenya ay joogaan si ay fiisaha waxbarashada, oo ku ekaa billawga bisha Nofeembar, ay u qaataan.

Mar BBC-du ay weydiisay in haddii ay bisha loo qabtay sugi lahaayeen ay heli lahaayeen wuxuu yiri “halka bilba maysan jirin damaanad qaad sax ah, …marka waan ku kalsoonaan weynay”.

Ardaydu maadaama waqti uu ku socday, oo sanadkaan haddii ay tegi waayaan sanad kale ay dib-u-dhici lahaayeen, waxay ku qasbanaadeen in ay jid kale helaan. Cabwdiweli oo ka sheekeynaya arintaan wuxuu yiri “markii dambe waxay dani nagu qasabtay in aan tagno safaaradda Talyaaniga waax yar ooy ku leedahay magaalada Muqdisho, aana u sheegno in aanan heli karin fiisaha dalka Talyaaniga, waqtiguna uu na hayo, sidaas ayay cudurdaar noogu sameeyeen safaaradda Muqdisho ee Talyaaniga, iyaga ayaana qaaday baasabooradeennii, geeyayna Nayroobi. Sidaasna fiisihii, waxaan ku helnay, waxbarasho ee Talyaaniga, waana ka kaaftoonnay in aan aadno Kenya”.

Heshiiska iyo xiriirka soo laabtay

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma uusan wanaagsanayn. Hase ahaatee, doorashadii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud kadib waxaa soo muuqatay rajo ah in xiriirku soo wanaagsanaanayo.

Garoonka diyaaradaha

In ka yar laba bilood markii uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud talada kusoo laabtay ayuu casuumad rasmi ah, oo soconaysay laba maalmood, ka helay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Qodobadii kasoo baxay heshiis ay kulankaas gaareen waxaa ka mid ahaa: in Soomaaliya ay ogolaato in ay dib u billawdo keenista qaadka, iyadoo heshiiska lagu xusay in qodobkaan uu ku hirgelayo sida ugu dhaqsaha badan.

Kenya dhankeeda waxay ogolaatay in dadka haysta baasaboorada caadiga ah ee Soomaaliga la siin doono fiisaha dal-ku-galka sida ugu dhaqsaha badan, iyagoo ballanqaaday in waqtiga lagu helayo fiisaha uusan ka badnaan doonin toban maalmood gudahood.

Heshiiska waxaa lagu sheegay in labada wasaaradood, ee arima dibadeed, ee labada dal, ay mudo laba usbuuc gudahood ah ku xaqiijin doonaan dhaqangalka heshiiskaan.

Hirgalka heshiiska

Arinka ugu weyn ee Soomaaliya laga doonayay oo ahaa in ay dib u billawdo keenista qaadka markiiba waa hirgalay. Wasiirkii hore ee beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa xaqiijiyay in diyaarad sidda qaad ay Xamar ka degtay hal isbuuc kaliya kadib heshiiskii labada dal.

Hase ahaatee, arinta Soomaalidu ay ugu baahida badnayd ee helista dal-ku-galyada Kenya ayaan weli hirgelin.

Dowladda Soomaaliya oon arintaan wax ka weydiinay ayaysan noo suurogelin in aan jawaab ka helno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*