16th September 2024  admin  Category :

Dheymanka labaad ee ugu weyn adduunka oo laga helay dhul Afrika ku yaalla

Dheymankii labaad ee ugu weynaa abid ee la helo – oo cabbirkiisu yahay 2,492-carat – ayaa laga soo saaray Botswana goob macdan ay leedahay shirkadda Canada laga leeyahay ee Lucara Diamond.

Waa kii ugu weynaa tan iyo markii dheymankii 3,106-carat ahaa ee Cullinan, laga helay Koofur Afrika sanadkii 1905 kaasoo sagaal qeybood loo qeybiyay, qaar badanna ay haatan yaallaan British Crown Jewels.

Dheymanka ayaa laga helay halka macdanta laga qodo ee Karowe, taasoo ilaa 500km (300 meyl) waqooyi kaga beegan caasimadda Botswana, Gaborone.

Dowladda Botswana ayaa sheegtay inuu ahaa dheymankii labaad ee ugu weynaa abid ee laga helo dalkan koofurta Afrika ku yaalla

Kii ugu weynaa waxaa laga helay Botswana wuxuuna ahaa 1,758-carat waxaana laga helay isla goobtan sanadkii 2019.

Botswana waa mid ka mid ah dalalka dheymanka ugu badan so saara, wuxuuna 20% ka yahay wax soo saarka adduunka.

War ay soo saartay, ayay Lucara ku sheegtay in dhagaxa uu “ka mid ahaa kii ugu weynaa abid ee lasoo saaro”.

“Waxaan ku faraxsannahay wax soo saaridda dheymankan aan caadiga ahayn ee culeyskiisu yahay 2,492 carat,” ayuu yiri madaxa Lucara ee William Lamb.

Shirkadda wax faahfaahin ah kama bixin tayada dheymankan amaba qiimihiisa.

Dheymankan ayaa lagu soo saaray hannaanka Lucara ee dheymanka lagu baaro, sida uu sheegay Mr Lamb.

Lucara ayaa 100% leh goobta macdanta laga qodo ee ku taalla Karowe.

Dowladda Botswana ayaa soo jeedisay sharci shirkadaha ka doonaya marka ay helaan leysin, inay saamigooda ka iibiyaan shirkadaha gudaha haddii aysan dowladdu sheegin inay daneyneyso inay saami ku yeelato, sida ay Reuters sheegtay bishii hore.

Waxyaabaha u gaarka ah dheymanka

Dheymanka

Dheemanka oo ka mid ah macdinta kuwooda ugu qaalisan ayaa dunida looga isticmaalaa siyaabo kala duwan.

Waxaana siyaabaha loo isticmaalo ka mid ah qofka waxyaabaha dheemanka uu ku jira ee la isku qurxiyo soo xirto loo arko inuu yahay qof lacag leh halka tujaarta dunida kuwooda ugu waaweynna ay dheemanka u isticmaalaan keyd ahaan sida dahabka.

Qarniyadii tagayna dheemanka weliba kiisa buluugga ah waxaa la dhigan jiray guriyaha iyada oo ay dadku aaminsanaayeen inuu yahay mid xijaabo cadowga iyo xumaanta oo dhan.

Dalka Hindiyana dheemanka waxaa lala xiriiriyaa Ilaahyada ay dadka Hinduuga sheegaan iney caabudaan tani iyo sanaddii 868 AD.

Dheemanka buluugga dikhda ah dhalaalkiisa quruxda badan ka sokoow waa sheyga ugu adag ee qabowga ugu hooseeya u adkeysan karo, wuxuuna gaar la yahay gudbinta iftiinka, wuxuuna ka mid yahay maaddooyinka fara ku tiriska ah ee korontada xiriir taban la leh.

Waxaana dheemaanka buluugga ah laga helaa meelo kooban oo dunida ka mid ah gaar ahaanna moolka hoose ee cratons ama halka uu ku sameysmo metorite.

Balse dusha sare ee dhulka ayaa laga helaa iyada oo saynisyahnnada ku xeel dheer daraasadka macdinta sheegayaan iney macdinta dheemanka la midka ah ay dusha sare ee dhulka soo aaddo ay uga wacnaan karto dhul gariirka iyo folkaanayaasha qarniyadii hore dhulka ka dhacay.

Dheemanka dhammaantii ma aha mid iftiimo ama iftiinka gudbiyo sida dheemanka midabka huruudka ama qaxwaha.

Waxaa sida oo kale jira dheeman leh midabbo sida casaanka, buluugga iyo cagaarka kuwaasoo ah noocyada dheemanka dunida laga helo kuwa ugu yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*