29th March 2024  admin  Category :

Dhaqtarkii ugu waynaa Cudurrada Wadnaha ee Soomaaliya oo Geeriyooday

Dr. Axmed Maxamed Xasan oo loo yaqaanay Food-Cadde oo mudo dheer ahaa Dhaqtarka ugu wayn Wadnaha ee ka howlgala Soomaaliya kana howlgali jiray isbitaalkii Digfeer oo haatan la yiraahdo Erdogan, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Allaha u naxariistee Dr. Food-Cadde ayaa haatan wuxuu ahaa Madaxwaynaha Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliya.

Mudooyinkaan wuxuu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo ugu danbayntii maanta ku geeriyooday sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Gen. C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah ehelada Marxuumka.

Axmed Maxamed Xasan wuxu dhashay Sanadkii 1938,dii wuxuna ku dhashay magaalada Muqdisho, Waxbarashadiisa aas-aasiga ah uu ku qaatay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Barashadiisa heerka Jaamacadda uu ku qaatay Dalka Talyaaniga, wuxuu sidoo kale ahaa Dhaqtarkii ugu horeeyay Soomaaliya ee ku taqasuusay Cudurrada Wadnaha.

Dr. Axmed wuxuu mudo dheer ka soo shaqeeyay hay’adda ICRC iyo Hay’adda Bisha Cas oo inta uusan geeriyoon uu kahaa Madaxweynaha ugu sareeya hay’adda ee Soomaaliya.

Bilado badan oo ay ka mid ahayd Biladda ugu saraysa ee la siiyo dadka ka shaqeeya Arrimaha Bulshada ayuu ku guulaystay xiliyo kala duwan Dr. Axmed Maxamed Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*