28th March 2024  admin  Category :

Dr. Lu: Jacfar Soomaalidu waa dad Muslimiin ah soo ma’ahan?

Jacfar: Haa waa Muslim, welibana waa dad Sunni ah;

Dr. Lu: Diinta Islaamka miyeey qabtaa in wax la musuqmaasuqo oo hantida ummadda la dhaco?

Jacfar: May diinta Islaamka ma qabto in hantida ummadda la dhaco ama wax la musuqmaasuqo.

Dr. Lu: Hadii ay sidaa tahay Soomaalida maxaa ka dhigay dadka ugu musuqmaasuqa badan adduunka?

Jacfar: War tallow maxaan u sheegaa? Dr. Lu waxaa musqmaasuqa keenay waa burburka uu dalka ku jiro, waana wax aan waqti badan aan sii socon doonin.

Dr. Lu: Anigu waxaan ku taqasusay arrimaha Geeska Afrika, Soomaaliyana musuqmaasuqa ka jira waa mid soo billoowday markii xoriyadda ay qaadatay Soomaalida.

Jacfar: Dr. Lu hadii aan runta kuu sheego musuqmaasuqa waa dhaqankeena, Soomaalidana waxeey u aragtaa qofka aan hantida ummadda dhicin mid nacas ah, marka dadka ayaa raali ka ah;

Dr. Lu: Anigu waxaan heesta diinta Budhiistaha ah, dhaqankeenana ma ahan mid ogol in hantida shacabka la iska qaato. Miyeey kulla tahay in dalkeena Singapore uu ahaan lahaa sida maanta uu yahay hadii aan sidiina oo kalle aan ahaan laheeyn?

Jacfar: Waa runtaa; Singapore ma noqdeen dalkaa maanta adduunka ka sheegan hadii musuqmaasuq miiran ay ahaan lahaayeen dadkooda;

Dr. Lu: Anigu waxaan ogahay in dalkiina uu naga qanisan yahay, waxaana ka naxaa markaan arko dad Soomaaliyeed oo gaajoonaya, adduunkana loo dawarinayo. Aniga waxaan idin kulla tallinayaa inaad iska deeysaan musuqmaasuqa, adduunkana ku arki meeysid dal musuqmaasuq uu ka jiro oo horumar gaaray, dhaqankiina musuqmaasuqa ahna u badalla mid wannaagsan.

Jacfar: Waad ku mahadsantahay talladaada, laakiin waxaan kuu ogahay dadka aan ka dhashay ee Soomaalida la yiraahdo ma’ahan dad wannaaga jecel, waxeeyna musuqmaasuqa iska deenayaan marka kulligood godka la wadda gelliyo;

Dr. Lu: Hadii ay sidaa tahay Soomaalida waa dad ay u dhamaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*