26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray Faafinta & Dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen Madasha Qaranka.

Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Ra’iisul Wasaara Rooble ku sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*