7th September 2024  admin  Category :

Dhalinyaro ku sugnayd magaaxi ku taal magaalada Dahabka laga qoto ee Milxo, Sanaag, ayaa waxa lagu dilay labo wiil, dhowr kalena waa lagu dhaawacay oo ay ka mid tahay gabadhii lahayd maqaaxidauu dilku ka dhacay

Allah ha wada naxariistee waxa gaadmo lagu toogtay, oo ka mid ahaa dadkii logu soo talo galay in la xasuuqo Maxamed Daahir Ciise ( Toodho) oo walaalkiis Siciid Daahir Ciise (Wish sanadkii hore ay isla magaaladan ay ku dileen alshabaabku , sido kale Waxa dhaawixii soo gaaray hadda u geeriyooday isaga oo Boosaaso lo sii wado Axmed Nuur Cismaan Disco,.

Waxa Dhaawac ah Wiilasha lagu kala magcaabo Ina Shire Warday, Ina Jaamac Maxamed Idiris iyo Gbadhii maqaaxida haystay.

dhamaan dadkan la doonayey in gaadmada lagu xasuuqo ayaa waxay ka soo wada jeedaan degmada Buraan ee gobolka Sanaag. Allah ha u wada naxariistee Wiilsha dhintay mid ka mid ah ayaa beel ahaan soo keeday Beesha Wabeeneeye ee Majeerteen halka gabadha maqaaxida lahayd ee dhaawaca ahi ay iyaduna ka soo jeeday beesha Cali Saleebaan ee Majeerteen.

Inkastoo dadka magaalada Milxo ku sugani ay wada hiubaysan yihiin ayaa ilaa hadda waxa la ogayn sida gabashada lahayn oo nimanka afka soo duubtay ay dilka u gaysteen.

Wixii soo koedha gadaal ayaan ka soo qori donaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*