14th July 2026  admin  Category :

d

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa caawa qaabilay dhallinyaro ka socotay afar degmo oo ka tirsan gobollada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la kulmay Guddiga Talo-bixinta Dhallinyarada, kuwaas oo ka koobnaa wakiillo ka socday afar degmo oo kala ah Garoowe, Badhan, Dangorayo iyo Qardho.

Guddigan ayaa ku mideysan mashruuca loo yaqaan (Joog), iyagoo ka talo-bixinaya yaraynta tahriibka iyo qorshayaal dhab ah oo loogu abuurayo dhallinyarada fursado horseedaya in ay ku negaadaan dalka.

Mashruuca (Joog) waxaa ku midaysan Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada & Ciyaaraha iyo Shaqada iyo shaqaallaha ee Dowladda Puntland , oo kaashanaya hay’adda VNG international ee Dalka Netherlands.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan golayaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*