
24th February 2025 admin Category :
DF Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo heshiis muhiim ah kala saxiixday
Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo soddon sanno kadib dib u bilaabaya xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.
Heshiiskaan oo maanta ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Ambasaddor Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowaa iyo agaasimahha guud ee Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait Sayid Marwaan Al-Qanem.