8th September 2024  admin  Category :

MADAXWEYNE DENI OO MAR KALE DUBAI KULA KULMAYA MAS’UULIYIINTA DP WORLD

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga Carbeed, ayaa lagu wadaa in uu halkaasi kula kulmo mas’uuliyiinta u sarraysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa uga sii gudbay Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ugu muhiimsan in uu la kulmo mas’uuliyiinta Shirkadda DP World.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta DP World kala hadlo, arrinta Dekedda Boosaaso oo aysan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay gacanta ku haysay, islamarkaana ay ciid ka buuxsantay.

Shirkadda DP World, waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay 6-dii April 2017, kaas oo Baarlamaanka Puntland ansixiyay 27-kii July ee isla sannadkaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sano ah maamusho Dekedda Boosaaso.

Nuxurka heshiiska wuxuu ahaa, in muddo laba sannadood gudahood ah Shirkaddu ballaarin iyo casriyayn ku samayso Dekedda, islamarkaana lagu kordhiyo 450 mitir oo ballac ah, taas oo ay ku baxayso lacag dhan $336 malyan oo Dollar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*