26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka muuqatay guusha iyo doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay Shirarkii lagu go’aaymiyey doorashada Soomaaliya ee la mudeeyay. Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Garoowe.Madaxweyne Deni oo fagaaraha Barxada kula hadlay dadweynaha, wuxuu uga mahadceliyay soo dhoweynta , Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada In Dowladda Puntland Shacabkeedu ay mar walbo door muhim ah ka qaadanayaan dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyey Garoowe, Madaxweynaha ayaa lagu bogaadiyey shaqadii wanaagsaneyd iyo doorkii muhim ka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada Soomaaliya ee la mudeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*