26th November 2024 admin Category :
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame .
Kulanka oo ahaa is xogwareysi, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.