22nd December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin ka Socda UNSOM iyo IGAD.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay wefti ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cali Guyo.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Abdiqafar Hange ayaa ka warbixiyey kulanka.