29th March 2024  admin  Category :

Deni oo Dalacsiiyey Dhammaan Ciidamadii Ka Qeyb Qaatay Badbaadinta Shacabka Qardho.

Image may contain: 5 people, people standing

Qardho: 29 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble.

Madaxweyne Deni ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Xarunta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorkii Ciidamadu ka qaateen badbaadinta Shacabka markii xili habeen ah biyo kusoo rogmadeen Qardho, wuxuuna Madaxweynuhu hal darajo dalacsiiyey dhammaan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka ay daadadku kusoo fatahmeen.

3 thoughts on “Deni oo hal darajo dalacsiiyey Daraawishta Qardho

  1. Haliye

    Ac. Waa in ciidamada la isku qaso oo laga baxo waa ciidankii reer hebel, lagana bedelaa saraakisha degaanka u dhasheen, ciidankana cadaalad loo sameeyo, waa in reer Puntland sidaas oo kale taagero u fidiyaan oo dawlada uun lagu halayn.

    Reply
  2. Oday

    Deni iyo kooxdiisa soomaaliya diidka ah ciidan ma sameyn karaan kooxdan meesha lagu aruuriyey waa maleeshiyo beeleed naf badan ma leh

    Reply

Leave a Reply to Oday Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*