7th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay.

Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota.

Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, standing, sky and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*