25th October 2024  admin  Category :

Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda

May be an image of 11 people, people standing and outdoors

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay maanta uga bilowmayso booqasho qaadan doonta maalmo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Zambia Marwo Hawa Hassan Mohamed, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Inta uu ku suganyahay Dalka Zambia wuxuu Madaxweynuhu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada dalkaasi, Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo saraakiil Madaxtooyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*