31st January 2023  admin  Category :

eni, ayaa ka qeybgalay kulan Qado Sharaf ah oo ay ku casumeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan Qado Sharaf ah oo ay ku casumeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa Madaxweynaha looga mahadceliyay shaqadii wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland gaar ahaan Amniga Gobolka Mudug, sidoo kale waxay masuuliyiinta munaasabadda ka qeybgalay ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen siyaasada uu ku hoggaamiyay Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo doorkiisii uu dalku kaga gudbay marxaladii kala guurka aheyd Doorashona ugu jiheystay.

Ugu danbeyna Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya la wadaagay masuuliyiinta iyo marti sharafta kale ee kulanka ka qeybgalay.

May be an image of 3 people, people sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*