26th July 2024  admin  Category :

Shacabka Puntland oo Isbaar Dhiiga looga jago loo dhigtay hawada sare

Diyaaradda Jubba Airways  oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho,  ayaa isbaaro ay dhiiga kaga jaqayaan shacabka Puntland  u dhigtay hawada sare.

Diyaaradan ayaa qiimo qaaliya oo caqliga gelin ka qaada shacabka Puntland ee safraya,

Diyaarada Jubba Airways oo  Duulimaad Toos ah Bossaso Dubai  ka bilowday . ayaa waxay ku qaadatay in Dubai ku gaarto  2 saac iyo 15 daqiiqo. Qiimaha ay dadka ku qaaday wuxuu ahaa $680.

Diyaaradan Jubba Airways Hargaysa iyo Dubai waxay u kala socotaa 4 saac iyo sodon shan daqiiqo. Qiimaha ay reer Hargaysa ku raacaan waa $350.

Jubba Airways Muqdisho iyo Dubai, waxay u socotaa shan saac iyo afartan daqiiqo. Reer Muqdisho waxay diyaaradda Dubai ugu raacaan $ 300.

Diyaaradda ka tagta Boosaaso ayaa waqtiga ugu yar ku tagta Dubai, lacagta shacabka Puntland ;aga qaadaanaa waa ka badan tahay laba jibaar tan laga qaado dadka Muqdisho ka aada Dubai

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*