26th April 2024  admin  Category :

Waxaad maalmahaan maqleeysaa Ra’iisal Wasaare Kheeyre ayaa ugu deeqay $150,000 boqol iyo konton kun oo doolar garoonka ciyaaraha ee Cawaale ee Gaalkacyo; sidoo kalle, waxa uu shalay ugu deeqay garoonka Dr. Ayuub ee ku yaala magaalada Baydhabo $150,000 oo doolar.

Hadaba, qofka haddii uu isagu jeebkiisa lacag ka bixinayo, waxaa la oranayaa hebel ayaa meel hebel lacag ugu deeqay; haddii ay dawlad ay lacag dal ugu deeqdana waxaa ay noqoneeysaa dal hebel oo dal hebel lacag intaa la’eg ugu deeqay iyo dabcan haddii ay dad is xilqaamay oo iyana lacag inta ay iska soo ururiyaan dabadeedna ugu deeqaan isbitaal, iskuul, ama siyaabo kalle ayaa iyadana deeq noqon karta.

 Balse waxaa la yaab leh ra’iisal wasaare maalin kasta la leeyahay waxa uu ugu deeqay lacagtii dalka meel hebel iyo meel hebel. Lacagta ma isagaa iska kalle? Dabcan waa maya, laakiin lacagta waa midda dalka uu leeyahay; waa wax ayaan darro ah in maalin kasta la yiraahdo ra’iisal wasaarihii ayaa meel hebel lacag ugu deeqay, taasina waxeey ku tusineeysaa heerka uu gaarsiisan yahay musuqmaasuqa dalka iyo baal maridda hannaanka dawladnimo.

Ra’iisal wasaaruhu, labba arrimood oo uusan xaq u laheeyn ayuu adeegsaday ama uu ku takri falay; waa midda koowaadee, waxa uu bixiyey lacag uusan isaga laheen taas oo uu doonayo in dadka uu kaga raadsado taageero shaqsi ah. Waa midda kallee, waxa uu maroorsaday awoodii ay laheed wasaaradda ciyaaraha ee federaalka.

 Arrimahan quseeya ciyaaraha iyo waxa la hal maala dhamaantood waxeey aheed in ay soo maraan wasaaradda ciyaaraha ee heer federaal, dabadeedna, wasiirada ciyaaraha ee heer maamul goboleed in lagala xaalo wixii quseeysa ciyaaraha goboladaas iyo in lagu wareejiyo wixii lacag ah ee loogu talagalay horrumarinta ciyaaraha. Halkaas waxaa ka muuqata in ra’iisal wasaaraha uu doonayo in uu toos ulla xaalo dadka shacabka ah iyo wasiirada ciyaaraha ee maamul goboleedyada, taas oo meesha ka saartay wasaaradii dhameed ee ciyraaraha ee federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, arrimaha uu sameenayo Kheeyr iyo xisbiga Nabad iyo Nolol dhamaantood waa wax ay ku doonayaan ineey dib awooda dalka ugu soo noqdaan sannadka 2020ka, waxeeyna isku dayayaan wax kasta ineey isticmaalaan iyaga oo isku dayaya sidii ay shacabka isaga iibin lahaayeen oo ay ka mid tahay isticmaalka hantida shacabka iyo iyagoo isku dayeya ineey afganbiyaan maamul goboleedyada dalka ka jira si awooda maamul goboleedyada loola wareego.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*