26th November 2024 admin Category :
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyaradda iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayna ka mid yihiin hay’adda shaqaalaha rayidka ah, jaamacadda PSU iyo kooxda xiriirka mashruuca tayeynta shaqaalaha dowladda oo baryahaan safar shaqo ku marayey dalalka deriska ah ayaa maanta waxay heshiis waxbarasho iyo tababarrada shaqaalaha Dowladda la sixiixdeen mac-hadka tababarka shaqaalaha ee dalka Tanzania (Tanzania Public Service College).
Ujeedka Heshiiskaan ayaa ah Tababarka iyo Tayeynta Shaqaalaha Dowladda Puntland kaas oo qeyb ka ah qorshaha dib u qaabeynta maamulka shaqaalaha (Civil Service Management Reform), taas oo mac-hadka tababarka shaqaalaha ee Tanzania uu kala shaqeyn doono jaamacadda PSU oo fulin doonta tababarka shaqaalaha ee Puntland gaar ahaan tababarrada wakhtiga dhow (Short term trainings)
Heshiiska ayaa waxaa si rasmi ah u kala sixiixday jaamacadda Puntland State University (PSU) iyo mac-hadka tababarka shaqaalaha dowladda ee Tanzania, sidoo kale waxaa heshiiska qeyb ka ahaa wasiirka wasaaradaha shaqada, shaqaalaha, dhalinyaradda iyo ciyaaraha (MOLYS) ee Puntland Mudane.Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradda maamulka shaqaalaha iyo maamul wanaagga dalka Tanzania (Public Service Management and Good Governance) Mss Angellah Jasmine Kairuki (MP)
Hore Dowladda Puntland waxay heshiisyo noocaan oo kale ah u kala sixiixdeen Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dowladda Kenya (Kenya School of Government KSG) oo ay ka wada shaqeyn doonaan tababarrada madaxda dowladda (Executive Leadership Trainings) iyo Jaamacadda Tababarka Shaqaalaha ee Dalka Ethiopia (Ethiopia Civil Service University) taas oo dowladda Puntland kala shaqeyn doonta tababarka wakhtiga fog sida heerarka waxbarashada jaamacadeed ee kala duwan (Long term training).
Dowladda Puntland waxaa ka go’an sidii ay shaqaaleheedu u heli lahaayeen tababar iyo tayo aqooneed oo aad u sarraysa taas oo laf dhabar u noqon doonta horumarka Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda si bulshada loo gaasiiyo adeegyo hufan oo tayo leh.
Arrintaan waxaa ka taageeraya dowladda Puntland Mashruuca tayeynta ee CIP (Capacity Injection Program) ee uu maalgelinayo Baanka Adduunka.
-DHAMAAD-