27th July 2024  admin  Category :

Dawladda Puntland iyo Bangiga Aduunka oo shir ku yeeshay Garowe

Wasiiro katirsan gollaha xukuumadda Puntland iyo madax ka socotay Bangiga
adduunka ayaa Garoowe kaga qaybgalay shirka looga hadlayay dargargelinta mashaariicda Bangigu ka caawiyo DPL

Shirkaan oo maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Maaliyadda dawladda Puntland ahaa mid diiradda lagu saarayey Mashaariicda uu Baanka adduunku ka caawiyo dawladda Puntland ee ay kamid yihiin Mashruuca Tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP, Mashruuca horumarinta hannaanka Maaliyadda ee PFM iyo Mashruuca hannaanka bixinta Mushaharaad ee RCRF iyo Mahsaariic kale kuwaas oo dhammaan uu Baanka adduunku ka taageero dawladda Puntland.

Kulanaka ayaa Waxaa goob joog ahaa Wasaaradda Maaliyadda, Qorshaynta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Saraakiil ka kala socdey dhammaan hay’adaha kale ee dawladda Puntland ee ka faa’iideysanaya Mashaariicdaan waxtarka leh ee uu baanka adduunku ka caawiyo dawladda Puntland.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa isla Wafdi ballaaran oo ka socda Baanka adduunka waxaana hoggaaminaysey madaxa mashaariicda tayaynta iyo maamuul wanaagga ee baanka adduunka u qaabilsan Bariga afrika Mrs Nicola Smither, waxayna halkaan u yimaaddeen sidii wax badan uga ogaan lahaayeen sida looga faa’iideystey Mashaariicdaan iyagoona kulamo kala duwan la qaatay Madax kala duwan oo ka tirsan dawladda Puntland.

Muddada uu waftigani joogo ayay kulamo kala la qaadan doonaan hay’adaha kala duwan ee ay ka midka yihiin Bangiga dawladda, Wasaaradaha Waxbarashada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Caafimaadka, Madaxtooyada iyo hay’ado kale waxaanay aad u la fo guri doonaan sidii Baanka adduunka iyo Dawladda Puntland ay isaga kaashan lahaayeen hirgelidda iyo ka faaiideysiga mashaariicahaan iyadoo musuq laga dheeraanayo.

.       

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*