26th April 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya ayaa qiratay ineey dhiibtay ninkii ka tirsanaa ONLFta kaas oo ay u dhiibeen dalka Itoobiya. Barnaamij gaar ah oo su’aalo lagu weeydiinayey ra’iisal wasaaraha iyo golihiisa wasiirada ayeey dawladda ku xaqiijisay ineey dhiibeen ninkaas ka tirsanaa ONLF.

Su’aal arrintaas ku saabsan oo la weeydiiyey ayaa waxaa ka jawaabey Taliyaha Sirdoonka Sanbalooshe isagoona sheegay in arrintaas ay tahay mid xasaasi ah oo aan waqtigan laga hadli karin, laakiin ay ka hadli doonaan markii waqtigeeda la gaaro. Hadalkaas isaga ah waa mid iska cad in dawladda ay dhiibtay sarkaalkaas ka tirsanaa ONLFta.

Haddii dawladda aysan dhiibin ninkaas si toos ah ayeey u beeneen laheed, laakiin arrintaas waa mid xasaasi ah iyo waqtigeedaan ka hadli doonaa waa mid dhab ah in ninkaas la dhiibay. Su’aashaa arrintaa ku saabsan ka fiirso hal saac iyo konton iyo laba daqiiqo meesha ku aadan 1:52:00 daqiiqo.

https://youtu.be/GAfgh_vIlp0

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*