23rd October 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka oo dhawaan looga itaal roonaaday doorashadii ka dhacday Jubaland ayaa war ay soo saartay waxeey ku sheegtay in diyaarad  kasta oo u socota magaalada Kismaayo ay marka horre soo maraan magaalada Muqdisho inta aysan teggin ka hor magaalada Kismaayo.

Hadaba, dalabka ah in diyaaradaha ay soo maraan magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid sida ay doorashadii ugu fashilmeen dawladda federaalka ay ugu fashilmi doonaan. Waxaan la soconaa in diyaaradaha yimaada dalka Soomaaliya oo u badan diyaarado yar yar ay intooda badan ka soo duullaan dalka Kenya, dalka Kenya iyo Jubaland uu xiriir ka dhaxeeyo.

Sababtaas darteed, waxaa iman doonta in dawladda Kenya ay iyaduna dul dhigto amar ah in diyaaradaha ka yimaada dalkeeda ay toos u tagaan magaalada Kismaayo, shirkadaha diyaaradahana waxeey ku qasbanaan doonaan ineey u hoggaansamaan amarka dawladda Kenya.

Hadaba, dawladda federaalka oo inta badan iska qaadata tallaabooyin aan laga fiirsan ayaa midda ay maanta qaadatay ee ah in diyaaradaha Kismaayo u socdaa ay soo maraan magaalada Muqdisho inta aysan teggin Kismaayo ayaa noqon doonta mid aan maamul goboleedka Jubaland waxba looga qaadin, balse uu dhibka ugu badan ku dhici doono shikadaha diyaaradaha kuwaas aan siyaasadaha is jiidjiidadka ah aaan wax shaqo ah ku laheen.

Si kastaba ha ahaatee, dawaladda federaalka oo ku fashilantay shaqadii loo igmaday ayaa dooneeysa ineey dalka Soomaaliya ku soo celliso nidaam keligiis tallisnimo ah iyo in dalka oo dhan looga talliyo hal magaalo, iyadoo dariiq kasta oo ay noqotana u maraya sidii ay u burburin lahaayeen nidaamka federaalka ee waqtiga dheer laga soo shaqeenayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*