25th October 2024  admin  Category :

Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya  oo ay ka mid yihiin Jubaland, Galmudug, iyo Puntland ayaa kulla kulmaya magaalada Nairobi Beesha Caalamka safiiro ka mid ah.

Beesha Caalamka ayaa dooneeysa in ay soo celliso kaalmadii tooska aheed ee la siin jiray maamul goboleedyada, iyadoo aan la soo marsiin doonin magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa sabab u ah ka dib markii dawladda federaalka aysan ka soo bixin waajibaadkii saarnaa maadaama lacagaha loogu tallagalay Soomaaliya oo dhan ay soo mari jirtay Muqdisho, dabadeedna dawladda ay u isticmaashay lacagahaas si qaldan oo ay ka mid tahay caga jugleen lagu sameeyey maamulada  dalka iyo doorashooyinkii oo qalqal la gelliyey.

Waxaa intaa dheer in dawladdii ay noqotay dawlad u adeegta hal magaalo oo ah magaalada Muqdisho, iyadoo wiixii sadaqo ah ee caalamka laga keenay aysan soo dhaafin isla magaaladaas. Imisa wax ayaa la keenay oo aan goboladii kalle aan waxba laga siin?

Hadaba, in beesha caalamka ay qaadato go’aan noocaan ah waxaa mas’uul ka ah dawladda federaalka oo ay hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheeyre oo iyagu damcay ineey burburiyaan  nidaamka federaalka iyo iyagoo doonaya in maamuladda dalka oo dhan ay geeystaan dad iyaga taageersan oo sidii la doono laga yeelo.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*