26th April 2024  admin  Category :

Dawlada Bahrain oo dawladda  Somaliya ku sifeeyey mid ka abaal dhacday UAE

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Bahrain Sheikh Khalid Binu Ahmed Al-Khaliif ayaa ku sifeeyey Xukumada Faderaalka Soomaaliya mid ka abaal dhacday wanaagii iyo waxtarkii Dawlada Imaaradka Carabta u gashay dalkooda.
21a7

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka faahfaahiyey taageerada dhinac walba leh ee dawlada Imaaradka Carabtu la garab taagneyd Soomaaliya markii ay ku jirtay wakhtiga xun.

Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu xusay shirarkii looga hadlaayey arimaha Burcad Badeedda Soomaaliya ee lagu qabtay imaaradka iyo dadaaladii lagula dagaalamaayey burcad badeedka iyo sidoo kale macaawinooyinkii maaliyadeed ee ay Dawlada Imaaradku u fidisay Somalia.

Xiisadda siyaasadeed u dhaxaysa Xukuumda Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya hadana kusii socda mid aad wayn oo saamayn ku yeelan kara Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*