26th July 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka ayaa dhawaan billawday ineey isku mashquuliso burburinta maamul goboleedyada iyo sidii looga taqalusi lahaa nidaamka federaalka. Inta badan, marka dawladda ay isku mashquuliso arrimo aan wax micno ah aan ugu soo siyaadeen, waxaa soo xoogeeysta dhibaatada ay dadka u geesanayaan tuugta, burcada, argagixiada Shabaabka. Qaraxa maanta Muqdisho ka dhacay waa mid fariin u ah dawladda isku mashquulisay burburinta maamulada dhisan.

Dawladda federaalka waxeey aheed ineey arrimaha sida ay u kalla sareeyaan ay u qaado oo kalla ah:

  1. Sidii dalka oo dhan looga sifeen lahaa cadawga koowaad ee ummadda Soomaaliyeed ay leeyihiin oo ah tuugta Shabaabka oo xalaashaday dhamaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed;
  2. Sidii ciidanka AMISOM dalka looga saari lahaa, loona diyaarin lahaa ciidan dalka uu leeyahay kuwaas oo kala wareega shaqada ay hayaan ciidanka AMISOM;
  3. Dhameestirka dastuurka dalka oo ah waqtgigan mid qabyo ah.

Sedexdaas qodob waa sedexda qodob oo aad maanta muhiimka u ah oo ay tahay in guul deg-deg ah laga gaaro.

Farmaajo iyo Kheere shacabka Soomaaliyeed umma dirsan burburinta maamul goboleedyada iyo abuuritaanka xiisad aan waxba laga faa’iideen.

Dawladduna waa ineeysan taageerin maamulada la ridayo mar haddii aysan jirin wax weeyn oo madaxweeynaha maamul goboleedkaas uu geestay.

Soomaaliyana waxaan federaal aheen kama shaqeen doono, kuwa diidana ma noqon doonaan kuwo hadafkooda gaara.

Hadaba, dawladda dib maskaxdeeda ha ugga shaqeesiiso, hana iska dhaafto xisaabaha qaldan oo ay isku dhufsaneeso oo ah sidii dalka Soomaaliya looga dhisi lahaa nidaam la mid ah tii  dawladii dhexe oo tallada dalka oo dhan laga goon jiray Muqdisho oo kalliya.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*