8th January 2025 admin Category :
Taariikhdii Daraawiishta oo 2020 lagu bililiqaystay Villa Wardhiigleey.
Allah ha u naxariistee Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu geeriyooday manta oo kale boqol sano ka hor December 21, 1920, isaga oo degaankiisii iyo meeshii uu ku dhashay uga cararay Gumaystihii Ingiriiska iyo Dabadhilfyo u shaqayn jiray oo ay ka soo farcameen Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe
Halkii maanta laga xusi lahaa halgankiisii xornimo doonka ahaa, ee ay Daraawiishtu noqtay gobanimo doonkii ugu horeeyey ee Afrika Diyaarado lagu duqeeyo, ayaa Villa Wardhiigleey waxa laga soo saaray Qoraal gef ah oo ka hor imanaysaa Boqolaal Soomaliyeed oo xornimodoonka Soomaaliya dhiigooda u daadiyey , una badnaa beesha Harti
Daraawiishtu waxay diidanaayeen wax kasta oo gumaystuhu la yimid oo ay ka mid ahayd “Somaliland, oo aan gumaystahay ka hor Soomaali dhexdeeda laga isticmaali jirin.
Wareegtada Villa Wardhiigleey waxa lagu soo qoray ” Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul”
Allaha u naxariistee Sayidkii waa ogaa cidda Xornimada rabtay iyo cidda Gumaysiga jeclayd, maanta Inagu waa ognahay cidda Xadkii Ingiriiska raadinaysa iyo cidda midnimada Soomaaliya doonaysa , lakiinse Wiilasha reer Aw xasan ee Villa Wardhiigleey jooga ee Farmaajo afhayeenka u ah oo adeerkood Guul wade ku difaacaya taariikh been ah waxay doonaan ha soo xardheen.
Hoos ka akhriso boqol sano ka dib duqayntii Taleex , waxa manta soo qoreen Villa Wardhiigleey