29th March 2024  admin  Category :

Daraawiish iyo SYL yaa Soomalai xoreeyey?

Hubka ay diyaarddu sidaa waa kuwii lagu duqeeyey Daraawiishta

Soomaali goormay xusi doonaan Soomaalidii Diyaaraddii ugu horaysay ee Afrika lagu weeraray oo dusha lagu duqeeyey ,  oo maydadkoodii yar iyo weyn   dhulka  la waray ? goormayse magacyadooda la qorayaa sida jiilka soo socdaa ay u  ogaadeen taariikhda Halgamayaashan dhiigooda u daadiyey xornimadeena  ,   inta Sheekadii Allah u naxariistee Maxamed Siyaad Bare uu  niyadda ugu  dhisaayey  Soomaalida la buun buuninayo.

Image result for taleh air bombardment

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee  Maxamed Siyaad Bare oo ku guulaystay qoritaankii af Soomaaliga, ayaa ardaddii ugu horaysay sanadkii 1972 ee  uu ku carbinayey, Soomaalinimada, dal jacaylka, taariikhdoododda  , halgankii gobonimadoonka iyo la dagaalankii gumaystahii xornimada laga qaatay ,  ayaa waxa uu amray in la qoro sheeko la mid ah  sheekada   caruurta reer galbeedku aamnisan yihiin oo ay  aadka  u jecel yihiin ee khiyaaliga ah  ee lagu magcaabo Santa, hase ahaatee Dadka waaweyni ay ogyihiin inaanay waxba ka jirin oo mana awaal tahay in Santa Hadyado Caruurta uga soo qaado samada.

Allah ha u naxariistee Siyaad Bare,  ayaa manhajkiisii ugu horeeyey ee afka Soomaaliga ku soo qoray sheekooyin dhiiro gelin ah iyo dal jacayl ah oo  Caruurtii Soomaaliyeed  niyadda loogu dhisayey. Sida Dhalinyaro Soomaaliyeed oo u badnaa koonfurta Soomaliya inay  xornimada Soomaali  u keeneen.

Dhalinyaradan lagu qoray manhajkii afka Soomaaliga,  oo ahayd  taariikh aan la turjumin oo loo ekaysinayey taariikhada caalamka intiisa kale caroortooda loo dhigo , ayaa dhalinyaradani  intooda badani ayna  Waqooyiga u soo dhaafin Kaantaroolka Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe  ,  boqolkii sagaashan iyo shan ma soo dhaafin kantaroolka magaalada Baledweyn, ee gobolka Hiiraan  looga aado waqooyiga Soomaaliya  . Halka hal Qof   oo ka mid ahaa uu Kantaroolka Gaalkacayo ee Gobolka Mudug  waqooyiga u soo dhaafay. Isaga oo soo gaaray Gobolka Bari

Taariikhdan niyadda loogu dhisaayey ardaddii aan ka mid ahaa ee la jaan qaaday qoritaankii af Soomaaliga waxa ka horeeyey. In Soomaaliya ahayd  dalkii ugu horeeyey qaaradda  Afrika ama Caalamka sadexaad ee diyaarado dagaal lagu soo  weeraray iyaga oo u dagaalamaya xornimadooda  iyo lahaanshaha dhulkooda .

Gobanimadoonkii Soomaaliyeed ee  cirka laga duqeeyey,  ma jiro qof Soomaaliyeed oo yaqaana maanta magacyadooda. Ma jirto maalin la xuso. Soomaalida inteeda badani ma yaqaaniin Degaanadii ay diyaaradahani   duqeeyeen. Ma jiro maanta Dugsi Hargaysa iyo Muqdisho ku yaala oo lagu xusay ama loogu  magac daray  halgamaa Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Gobanimadoonkii Soomaaliyeed ee Daraawiishta. Garowe, iyada  waxa ku yaala Dugsiyo loogu magac daray Gobanimadoonkii Daraawiishta sida Goobdoon

Waxa jiray geesiyo  Soomaaliyeed oo Tooreeyo  iyo Mindiyo  kala hortagey hubkii casriga ahaa ee waqtigaa Gumaystuhu ay  wateen. Qaarkood waxay dileen taliyaashii Ciidanka Gumaystaha watay sida Koofil. Ma jiro Soomaali yaqaan nimankii falkaa geesimada ah  sameeyey magacyadooda , Lakiinse waxaan maanta aynu  xusnaa oo buun buunina Allah ha u naxariistee  waa Dhalinyaro  dharka reer galbeedka ku labisnaan jirtay   oo baarka 999 Villa Roma ee  Xamer weyne ku wada sheekaysan jiray galabtii  iyaga oo ku wada  cabaya Cappuccino.

Ugu danabyantii Allah ha u naxariisto dhamaan intii u dhimatay halgankii Soomaaliyeed loogu doonayey xornimada meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogeen ama ka dagaalamayeen . Hase ahaatee waxa u baahan in lays waydiiyo  haddii la xusayo maalinta Dhalinyarada u badnayd Koonfurta Soomaaliya in sidoo kale la xuso halgamayaashii Daraawiishta oo iyagana maalin loo  sameeyo,  ama maalinta 15 May  laga dhigo maalintii halgamayaasha Soomaaliyeed oo iyaga  oo aan la kala saaryan. Maanta magaalo ka mid ah Soomaaliya waxa laga abaabulayaa xuska  Maalinta dhalinyarada, waxaana lagu qabanayaa Dusiga loogu magac  Bullo oo ka mid ahayd jabhadihii dalka burburiyey . Sida wax u socdaan Bullo iyadana oo dhowr iyo tobon  sano ka dib waxaan ku xusi doonaa Halgamad. In badan oo Soomaali ka mid ahna waa qiiroon doontaa

Image may contain: one or more people

ALLSSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

One thought on “Daraawiish iyo SYL yaa Soomalai xoreeyey?

  1. Ahmed Somalilander

    Adiga laftar kagu wad lunsantahay maxa kagalay somalia iyo konfur mida kale darawishta maxad ula cararaysa Somalia iyo konfur oo aad ugu khasbaysa iyaguba sababta ay syl uu xusayan oo ay darawishta uu xusi wayen waa ogyihin inanay darawish shaqo ku lahayn konfur taasi waa taa tan kale waxa weeye darawishtu meel ay xoreysay majirto oo wala yaqan inay jaben lkn ka been sheegi mayn0 oo way isku dayen inay wax xoreyan lkn gadaal ayey wax ka biiyeen lkn shar iyo khyr kay doontaba darawishta waa tariikh Somaliland ee Somalia syl-teeda ayey ku qanacsantahe ee ha khasbin dee

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*