18th April 2024  admin  Category :

Soomaali goormay xusi doonaan Diyaaraddii ugu horaysay ee Afrika lagu weeraray ee  lagu xasuuqay, maydadkoodiina    dhulka  la waray Soomaalidii u dagaalamaysay Xornimadeena ? .Goormayse magacyadooda la qorayaa sida jiilka soo socdaa ay u  ogaadeen taariikhda Halgamayaashan dhiigooda u daadiyey xornimada aynu maanta haysano  ,   inta Sheekadii Allah u naxariistee Maxamed Siyaad Bare uu  niyadda ugu  dhisaayey  Soomaalida la buun buuninayo.

Sawirka kore waa   wuu hubkii Daarcad, Taleex lagu tuuray

Image result for taleh air bombardment

Waa diyaaraddii Taleex iyo Daraawiish duqaysay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee  Maxamed Siyaad Bare oo ku guulaystay qoritaankii af Soomaaliga, ayaa ardaddii ugu horaysay sanadkii 1972 ee  uu ku carbinayey, Soomaalinimada, dal jacaylka, taariikhdoododda  , halgankii gobonimadoonka iyo la dagaalankii gumaystahii xornimada laga qaatay ,  ayaa bilaabay inuu qoro sheeko la mid ah  sheekada   caruurta reer galbeedku aamnisan yihiin oo ay  aadka  u jecel yihiin ee khiyaaliga ah  ee Santa, hase ahaatee Dadka waaweyni ay ogyihiin inaanay waxba ka jirin oo mana awaal tahay

Allah ha u naxariistee Siyaad Bare,  ayaa manhajkiisii ugu horeeyey ee afka Soomaaliga ku soo qoray sheekooyin dhiiro gelin ah iyo dal jacayl ah oo  Caruurtii Soomaaliyeed  niyadda loogu dhisayey. Sida Dhalinyaro Soomaaliyeed oo u badnaa koonfurta Soomaliya inay  xornimada Soomaali  u keeneen, lana oran jiray SYL

Dhalinyaradan lagu qoray manhajkii afka Soomaaliga,  oo ahayd  taariikh aan la turjumin oo loo ekaysinayey taariikhada caalamka intiisa kale caroortooda u dhigaan  , ayaa dhalinyaradani  intooda badani waxay ahaayeen kuwo aan   Waqooyiga u soo dhaafin Kaantaroolka Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe  ,  boqolkii sagaashan iyo shan ma soo dhaafin kantaroolka magaalada Baledweyn, ee gobolka Hiiraan  looga aado waqooyiga Soomaaliya  . Halka hal Qof   oo ka mid ahaa uu Kantaroolka Gaalkacayo ee Gobolka Mudug  waqooyiga u soo dhaafay. Isaga oo soo gaaray Gobolka Bari

Taariikhdan niyadda loogu dhisaayey ardaddii aan ka mid ahaa ee la jaan qaaday qoritaankii af Soomaaliga waxa ka horeeyey. In Soomaaliya ahayd  dalkii ugu horeeyey qaaradda  Afrika ama Caalamka sadexaad ee diyaarado dagaal lagu soo  weeraray iyaga oo u dagaalamaya xornimadooda  iyo lahaanshaha dhulkooda .

Gobanimadoonkii Soomaaliyeed ee  cirka laga duqeeyey,  ma jiro qof Soomaaliyeed oo yaqaana maanta magacyadooda. Ma jirto maalin la xuso. Soomaalida inteeda badani ma yaqaaniin Degaanadii ay diyaaradahii gumaystugu    duqeeyeen. Ma jiro maanta Dugsi Hargaysa iyo Muqdisho ku yaala oo lagu xusay ama loogu  magac daray  halgamaa Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Gobanimadoonkii Soomaaliyeed ee Daraawiishta. Garowe, iyada  waxa ku yaala Dugsiyo loogu magac daray Gobanimadoonkii Daraawiishta. Waxaana ka mid ah Ganbool

Waxa jiray geesiyiin   Soomaaliyeed oo Tooreeyo  iyo Mindiyo  kala hortagey hubkii casriga ahaa ee waqtigaa Gumaystuhu   wateen. Qaarkood waxay dileen taliyaashii Ciidanka Gumaystaha watay sida Koofil. Ma jiro Soomaali yaqaan nimankii falkaa geesimada ah  sameeyey, Lakiinse waxaan maanta aynu  xusnaa oo buun buunina Allah ha u naxariistee  waa Dhalinyaro  dharka reer galbeedka ku soo  labisnaan jirtay   oo baarka 999 Villa Roma ee  Xamer weyne ku  wada sheekaysan jiray  galabtii  iyaga oo ku wada  cabaya Cappuccino.

Ugu danabyantii Allah ha u naxariisto dhamaan intii u dhimatay halgankii Soomaaliyeed loogu doonayey xornimada meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogeen ama ka dagaalamayeen . Hase ahaatee waxa u baahan in lays waydiiyo  haddii la xusayo maalinta Dhalinyarada u badnayd Koonfurta Soomaaliya in sidoo kale la xuso halgamayaashii Daraawiishta oo iyagana maalin loo  sameeyo,  ama maalinta 15 May  laga dhigo maalintii halgamayaasha Soomaaliyeed oo iyaga  oo aan la kala saaryan. Maanta magaalo ka mid ah Soomaaliya waxa laga abaabulayaa xuska  Maalinta dhalinyarada, waxaana lagu qabanayaa Dusiga loogu magac daray   Bullo oo ka mid ahayd  jabhadihii dalka burburiyey . Sida wax u socdaan Bullo iyadana  dhowr iyo tobon  sano ka dib waxaan u xusi doonaa inay ahayd  Halgamad.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*