8th September 2024  admin  Category :

Daraasad: “Lama hubo in caano-booraha la siiyo carruurta ay faa’iido leeyihiin”

Daraasad cilmiyeed la sameeyay sanadkan horraantiisa ayaa lagu ogaaday in aysan jirin caddayn ku filan oo lagu taageerayo sheegashooyinka shirkadaha qaarkood ee ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo caanaha carruurta yaryar.

Sheegashooyinkan aan ilaa iyo hadda loo hayn cadeeyn cilmi oo sax ah, waxaana ka mid ah in la yiraahdo caanaha dhallaanku waxay kor u qaadi karaan horumarka maskaxda, indhaha, habdhiska dareenka, iyo hagaajinta shaqada habka difaaca jirka.

Saynis-yahanno ka socda Imperial College oo ku yaalla magaalada London ayaa sheegay in sharciyada suuqgeyntu ay tahay in la adkeeyo si looga hortago in shirkadaha ay kor u qaadaan sheegashooyinkan aan caddeymaha loo heyn.

Cilmi-baarayaasha oo ay ka mid yihiin Dr Yanzhong iyo Lucia Petro waxay falanqeeyeen wax soo saarka dalalka Australia, Canada, Jarmalka, Hindiya Talyaaniga, Japan, Nigeria, Norway, Pakistan, Ruushka, Suucudi Carabiya, Koonfur Afrika, Spain, Ingiriiska, iyo Mareykanka oo ah isku darka waddamo dakhligoodu sarreeyo, kuwa dhaxe iyo hooseeyo.

Cilmi-baarista ayaa lagu yiri “Sheekooyinka kala duwan ee ku saabsan faa’iidooyinka caafimaadka iyo nafaqo ee laga helo caanaha dhallaanka ma ahan mid ku salaysan tixraacyo cilmiyeed.”

Naasnuujinta Hooyada
Qoraalka sawirka,Naasnuujinta Hooyada

Sidoo kale waxay intaa ku dareen “xataa haddii la helo in qaar badan oo ka mid ah sheegashooyinkan ay yihiin kuwo daciif ah oo eex ku salaysan”

Guddiga cilmi-baarista waxay ogaadeen in celcelis ahaan wax soo saarka caanaha dhallaanku uu kor u qaaday hal shay, halka sheegashooyinka shirkadaha 56 boqolkiiba ay yihiin wax aan jirin sida cilmi-baarista lagu caddeeyay.

Sidoo kale daraasaddan dhowaan lagu daabacday Joornaalka Caafimaadka ee Ingiriiska oo shirkaduhu ay caddeyn ahaan u soo bandhigeen ayaa la ogaaday in qiyaastii 90% tijaabooyinka ay maal-geliyeen shirkadaha caannaha.

Waxaa jira walaac laga qabo in buunbuuninta sheegashada ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad iyo nafaqo ee caanaha dhallaanku ay hooyooyinka ku dhiirrigelin karaan in ay joojiyaan naas nuujinta hooyada taas oo ah mid faa’iidooyo badan oo caafimaad u leh caruurta.

Sida ay sheegtay ha’yadda UNICEF, dalka Ingiriiska ayaa mid ah kuwa heerarka ugu hooseeya kaga jira naasnuujinta adduunka oo dhan.

Xogta, oo lagu daabacay Lancet, ayaa muujineysa in hal ka mid ah 200 oo haween ah oo u dhigta 0.5% ay wali sameyneyso heer kasta oo naasnuujin ah.

Tan waa mid aad hooseeysa marka la barbar dhigo Jarmalka, 23% Brazil 56% iyo 99% Senegal.

Naas-nuujinta hooyada
Qoraalka sawirka,Naas-nuujinta hooyada

Cilmi-baareyaashu waxay sheegeen in ay tahay “fikrad khaldan oo baahsan” in naasnuujintu ay faa’iido u leedahay oo keliya dalalka saboolka ah.

Naasnuujintu aad ayey ugu badan tahay waddamada soo koraya, laakiin marka la fiiriyo Ingiriiska ayaa xitaa aad uga hooseeya waddamada la midka ah ee Yurub.

Haweenka Boqortooyada Ingiriiska waxa lagula talinayaa in ay si gaar ah u quudiyaan ilmahooda caanaha naaska lixda bilood ee ugu horreeysa.

Prof Cesar Victora, oo ah qoraaga warbixinta oo ka tirsan Jaamacadda Federaalka ee Pelotas ee Brazil, ayaa yiri: “Waxaa jirta fikrad khaldan oo baahsan oo ah in faa’iidooyinka naas-nuujinta ay la xiriiraan oo keliya dalalka saboolka ah.

Warbixinta Lancet ayaa sheegtay in naasnuujinta dalalka horumaray ay hoos u dhigtay halista dhimashada degdega ah ee dhallaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*