26th July 2024  admin  Category :

Dalka Kuuriyada Koonfureed oo mar ka mid ahaa dalalka ugu faqrisan adduunka ayaa maanta ka mid ah dalalka ugu horeeya dhinaca dhaqaalaha ee adduunka, iyaga oo ku hellay horumarkaas tacab dhinaca aqoonta ah iyo hoggaamiyayaal daacad u ah dalkooda.

Koonfurta Kuuriya waxeey xorriyadda ka qaadatay dalka Japan 1945tii oo maamulayey dalkaas muddo dhan 36 sanno. Markiibana waxaa billoowday dagaalkii labbada Kuuriya ee waqooyiga iyo koonfurta taas oo ka dhigtay dalkii mid eber ah.

Dhaqaalaha dawladda soo gallayey xilligaas boqolkiiba sagaashan waxuu ku tiirsanaa macaawino ka timaada dibedda, waxeeyna dawladda helli kartay tobon boqolkiiba dhaqaalaha dawladda lagu kalla socodsiinayo.

Hadaba u jeedada aan Koonfurta Kuuriya u soo qaadanay waxa weeye in dadka Soomaaliyeed ay oggaadaan in sida hadeer ay ku jiraan aysan horrumar ku gaareen, nabadna ku helleen.

Soomaaliya waxaa heeysata hoggaan xummo, waxa uuna caqligoodii oo dhan uu ku soo ururay;

Agoonta iyo masaakiinta raashinka iyo dawadda loo keeno suuqa in laga iibsado;

Lacagta loogu tallagalay hawlaha dawladda oo qasnado lagu shubto;

Guryo laga iibsado wadamada dibedda, iyagoo carruurtoodana ay hellayaan waxbarsho iyo caafimaad wanaagasan, iyadoo la siinayo xoolihii ummada laga dhacay;

Iibsashada hantida qaranka ee bad iyo berri;

Iibinta gabdhaha Soomaaliyeed oo taariikhda aysan welligeed dhicin madaxweeyne gabdhihii dhoofinaya;

Musuqmaasuq iyo isdebba marin aan dhamaad laheen;

IYO SAMEENTA WAX KASTA OO ILLAAhAY UU XARIMAY.

Dal horrumarkiisa wuxuu ku jiraa siyaasdda dalka oo horrumarta, haddaan siyaasdda horrumarin ma dhici karto in isbedel ka dhaco dalkaas. Qabiil ma ahan midda South Korea ay ku horrumartay ee waa wadaniyad iyo shaqo adag.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*