26th July 2024  admin  Category :

Doorashadii lagu soo doortay Farmaajo sannadkii 2017kii, waxa ay aheed mid khatar weeyn xaanbaarsaneed, balse dadku ay u arkayeen markaas mid wannaag iyo isbeddel wadata. Maanta oo xiligii la doortay ay ka soo wareegtay seddex sanno iyo billo, waxa dalka oo dhan laga dareemayaa deganaasho la’aan siyaasadeed iyo collaado dhiig badan uu ku daatay.

Waxaa gebi ahaanba meesha laga saaray nidaamka ay dadka ku kalla badbaadi lahaayeen ee ah nidaamka federaalka; waxaan la soconaa in nidaamka federaalka uusan iska iman hal mar, balse ay sababtay dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay awgood iyo is aamminaad la’aanta uu sababay dagaalkaas sokeeye taas oo ah mid aan welli laga heshiin.

Hadaba, Farmaajo waxa uu doonayaa in nidaamkii lagu kalla badbaadi lahaa uu meesha ka saaro, iyada oo aan cidina ka heshiin waxii dalka ka dhacay. Waxaa is weeydiinta ay tahay cidda danta ay ugu jirto maanta hadiiba nidaamkfa federaalka meesha laga saaro.

Hadii meesha laga saaro nidaamka federaalka, taas micnaheeda waxa uu markaas noqonayaa mid ay ka faa’iidaan beesha Hawiye, Farmaajana waa mid ka shaqeenaya sidii ay u rumoobi laheed midaas iyada ah. Hadaba maxeey tahay arrimaha beesha Hawiye ay ka faa’iidayaan hadii meesha laga saaro nidaamka federaalka?

Haddii nidaamka federaalka meesha laga saaro, caasimadda waxeey sii ahaan doontaa Muqdisho, meesha nidaamka federaalka iyo dastuurka qabyada ah uu sheegayo mid laga wada hadli doono arrimaha caasimadda quseeya;

Ciidanka la soo tababarayo iyo hubka waa kuwo 95 boqolkii aan soo dhaafi doonin Muqdisho, taas micnaheeda waa in hal beel uu gacanta u gallo dhammaan hubka iyo ciidankaii;

Deeqaha caalamka oo ah waxa inta badan wax lagu kalla waddo boqolkiiba 85 waxeey gashaa maanta magaalada Muqdisho, berina marka federaalka laga taqluso waxa dibedda iyo dalka gudihiisa laga soo saaro waxeey geli doontaa magaalada Muqdisho;

Dadka gobolada kalle degan meesha ay u soo shaqo tegi doonaan beri waxeey noqon doontaa magaalda Muqdisho taas oo ah sida ay ahaan jirtay intaan dagaalka sokeeye dhicin;

Waxbarashada jaamacadaha iyo iskuulada waxaa loo soo raadsan doonaa magaalada Muqdisho, waxaana soo xirmi doono dhamaan jaamacadaha iyo iskuulada kalle ee gobolada kalle ku yaal;

Taladda dalka lagu dhaqayo oo dhan waxeey noqon doontaa mid laga soo saaro Muqdisho oo kelliya;

Hadaba, iyada oo aan dib u heshiin dhab ah dhicin in la burburiyo nidaamka federaalka waa mid aan la aqbali karin, khatarteedana wadata, waxeeyna noqoneeysaa mid hal beel ay ka faa’iido burburinta federaalka, meesha beelaha kallena ay noqon doonaa kuwo sacabooleey ah.

Muuqaalada hoose waxaad ku arki kartaa guryo 30 sanno laga heeystay dadkii lahaa oo qasab looga soo celliyey dadkii ku habsaday, wuxuuna sheegay duqa Muqdisho, Cumar Finish intii xafiiska uu yimid in ay soo celliyeen lix guri. Sidoo kalle, ragii ka horeeyey isaga oo ay ka mid ahaayeen Muungaab, Tarsan,  iyo Yariisoow (AUN) ay iyana soo celliyeen guryo xoog lagu heeystay.

Hadaba hadii aan la heshiin oo aan la is cafin, dadkana aysan dar illaahay guryihii aysan u soo cellin, miyeey habboon tahay in la aqbalo in la burburiyo nidaamkii federaalka?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*