16th September 2024  admin  Category :

Shirkii ku soo gebagaboobay magaalada Dhuusamareeb ee halka garab u dhaxeeyay ayaa laga soo saaray qodobo ay ku sheegeen kuwo lagu gelli doono doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta. Intii Farmaajo uusan ka bixin magaalada Muqdishana, waxaa uu la hadlay hal garab oo ka mid ah labada aqalka ee baarlamaanka, meesha uu aqalka sare ka saaray meeshaba, waxa uuna u sheegay aqalka hoose in awooda dalka ay iyagu yihiin.

Hadaba, waxa meesha ka soconaya oo dhan waxaa karkarinaya Farmaajo oo dadka jikada ku jira u sheegaya waxa suugada lagu darayo, shaaha inta calleen iyo sokor uu u baahan yahay, iyo waxa ay tahay in la karinayo. Siyaasadda dalka Soomaaliyana waxeey noqotay mid hal nin ku soo ururtay, kaas oo kireestay shaqsiyaad isaga difaaca, dadkana u tusa inuu Farmaajo yahay kheeyr qabe wadani ah.

Marka tallada dalka ay gacanta u gasha hal shaqsi (Farmaajo) oo inaba aan ka shaqeeyneen waxa dalka danta u ah, waxa dhacaya jahwareer siyaasadeed. Arragtida aan cilmiga iyo caafimaadka aan ku salleesneen ee Farmaajo, waa midda sababtay maanta in la is weeydiiyo doorashada la gallayo nooca ay noqoneeyso. Muxuu ninkan sammeenayey 3dii sanno iyo siddeed billood ee na soo dhaaftay?

Jawaabta oo fudud ayaa ah inuu ku mashquulsanaa sidii maamulada ka jira dalka uu u burburin lahaa, iyo isagoo ay ka go’need inuu maamulada dalka oo dhan uu u geeysan lahaa shaqsiyaad isaga uu wato, waxyaabaha aan aragnay oo aadka u xun ayaa ahaa in lacagtii shacabka, ciidankii iyo agabkii kalle ee dalku loo adeegsaday Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Waxaan la soconaa in agabkii ciidanka iyo ciidankii loogu tallagalay in aragaggixisada lagula dagaalamo lagu weeraray gobolka Gedo oo ah meel ay maamusho Jubaland si Ahmed Madoobe meesha looga saaro, Jubalandna loo geeysto shaqsi kalle oo isaga u dhaga nugul.

Waxaas oo dhan waxa uu Farmaajo u sammeenayo ayaa ah sidii awooda dalka oo dhan ay gacantiisa u soo gelli laheed, uuna u noqon lahaa shaqsiga kalliya ee wax laga weeydiiyo tallada dalka oo dhan. Hadaba, intii dalka uu Farmaajo joogay maxaa ka dhacay?

Waxa uu miiska la fadhiistay gooni goosatada Hargeeysa si qabiil gaar ah uu u raali gelliyo, isagoona diiday in codadka Warsangeli, Dhulbahante, Gadabiirsi iyo Ciisa la maqlo, waana ninka taageero dhinac kasta ah u muujiyey gooni goosatada;

Waa ninka musaharixiintii doonayey ineey doorashada Baydhabo iyo Dhuusamareeb ka qeeyb gallaan hor istaagay si uu u soo saaro shaqsiyaadkii uu watay;

Waa ninka aqalka sare xaqii matalaad oo ay xaqa u lahaayeen ka qaaday, isagoona ka dhex arki waayey dantiisa gaarka ah;

Waa ninka ra’iisal wasaarihii dhammaa ee dalka ku riday muddo shan daqiiqo ah, isagoo adeegsanaya canaasiir uu ka dhex sammeeystay baarlamaanka oo ay hogaamiyaan Muudeey iyo Mursal;

Waa ninka ciidankii, agabkii milateri, iyo lacagtii yareed u adeegsaday dadkii kalle si dantiisa gaar ah ay u fusho;

Waa ninka hor istaagay in dastuurkii dhammaa ee qabyada ahaa la dhameeystiro;

Waa ninka dalka ku soo xareeystay ciidan Itoobiyaan ah si dadka uu ugu caburiyo;

Waa ninka u soo tafa xeetay in dalka Soomaaliya uusan ka hirgellin nidaamka federaalka, isagoon isku dayeya inuu ka hortago wax kasta oo sahli kara in nidaamka federaalka uu shaqeeyo;

Waa ninka hawadii dhameed ee uu dalku lahaa isbaaro dhigtay, garoonkii dhamaana ka dhigay meel dadka muwaadiniinta ah lagu bahdilo, iyadoo aan loo safri karin meel uusan oggoleen;

Hadaba, halkan laguma soo koobi karo dhibka uu Farmaajo dalka gelliyey; hase ahaatee, waxaa habboon in maadaama la arkay meesha xun ee uu Farmaajo dalka ku wado, ay habboon tahay in laga fikiro sidii uusan mar danbe ku soo noqon laheen, iyadoo la adeegsanayo wax kasta oo suurta gellinaya in ninkaan uusan ku soo noqon xafiiska si dalka loo badbaadiyo. Doorashad soo socotana qaabka loo gellayo waa in ay noqotaa mid dadka iyo dalka u daneenaysa, waana inaan marna Farmaajo laga yeelin qaab kasta oo isaga si gaar ah ugu hiilineeysa in doorashada loo qabto.

One thought on “Dalka Badbaado ayuu u Baahanyahay

  1. Aweys

    WAANA NINKA MUWAADINKKA IYO HALGAMAAGA WEYN EE QALBI DHAGAX GALKA CAYO KA QABTAY KA DIBNA KA KIBNA ISAGA OO GARBADUUB U XIRAN GUMEYSIGA ETHIOPIA GACANTA U GELIYEY
    TAARIIKHDA AYAANA XUSI DOONTA.
    MAHADSANID ALLSANAAG.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*