21st September 2024  admin  Category :

Dalal Yurub iyo Muslimiin ah oo ka wada hadlay in la helo dowlad ay yeelato Falastiin

Spain oo martigelisay shir heerkiisu sarreeyo oo ay isugu yimaadeen dalal badan oo Muslimiin iyo Yurub ah, kaas oo looga hadlayay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Gaza, ayaa ku baaqday in la sameeyo jadwal cad oo beesha caalamku ay ku dhaqangelinayso xal laba dawladood ah oo laga gaaro colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Waxaan u kulmaynaa in aan sameyno dadaal kale oo lagu joojinayo dagaalka Gaza, si looga baxo rabshadaha aan dhammaadka lahayn ee u dhexeeya Falastiiniyiinta, Israa’iiliyiinta… Habkaasi oo cad. Hirgelinta xalka labada dowladood ayaa ah jidka kaliya,” ayuu wariyeyaasha u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Spain Jose Manuel Albares.

Shirka waxaa ka qaybgalay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Norway iyo Slovenia, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Maxamed Mustafa, xubno ka socday kooxda xiriirka Carabta iyo Islaamka ee Gaza oo ay ku jiraan Masar, Sacuudi Carabiya, Qatar, Jordan, Indonesia, Nigeria iyo Turkiga.

Albares ayaa sheegay in ay jirto “rabitaan cad” oo ay muujiyeen ka qaybgalayaasha, kuwaasi oo aysan ka mid aheyn Israa’iil, waxayna muujiyeen “in erayada ficil loo baddalo iyo in la sameeyo tallaabooyin loo qaadayo jadwal cad oo loogu talagalay hirgelinta wax ku oolka ah” ee xalka laba dal, oo uu ugu horeeyso Falastiin oo ku biirta Qaramada Midoobay.

Israa’iil ayaan la martiqaadin sababtoo ah kama mid ahan kooxda xiriirka, Albares ayaa sidaasi yiri, isagoo raaciyay “waxaan ku farxi doonnaa in aan ku aragno Israel a’iil miis kasta oo nabadda iyo xalka labada dal lagaga wada hadlayo”.

28-kii bishii May ayaa Spain, Norway iyo Ireland waxa ay si rasmi ah u aqqoonsadeen dawladnimada Falastiin oo ka kooban marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, caasimaddeeduna tahay bariga Quddus. 146 dal oo ka mid ah 193-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa hadda aqqoonsan dawladnimada Falastiin.

REUTERS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*