26th July 2024  admin  Category :

Magaalada Juurile ee ku taal Xadka Gobolada  Sanaag iyo Bari, derisna la ah magaalada Buraan  ayaa la mid noqotay magaalooyin badan oo ay maraan labada webi ee Soomaaliyeed

Dalagyadii Beeraha Magaalada Juurille ee deegaanada Degmada Waaciye ee xiligan ayaa soo go”ay.

Qudaarta noocyadeeda  kala Duwan ayaa kasoo baxay beeraha Qudaarta ee Magaalada Juurile,kuwaas oo loo iibgeeyo Magaalooyinka Waaciye,Qardho,Garoowe iyo Bosaaso.

Iyadoo Xiligan Lagu jiro xili Abaareed ayaa hadana beeraha Magaalada Juurile ay noqdeen,kuwo aysan saamaynin Abaarta iyo Biyo La,aanta ka jirta Deegaanada Puntland,waana Mahad Alle.

Qudaartan Xiligan soo go”aday ayaa kala Ah Qudaarta Nolol Maalmeedka Muhiimka u Ah ee Kala Ah:-

1-Yaanyada.

2-Basasha.

3-Baradhada.

4-Kabsar Caleenta.

5-Qaraha.

8-Batiikha.

9-Liindhanaanta.

10-Basbaaska iyo Barnooniga.

11-Babayga.

Isku Soo wada duuboo Beeralayda Magaalada Juurile ayaa Baaqyo kala duwan udiray Wasaaraha Beeraha iyo Waraabka Puntland,iyagoona ka codsaday Qalabka Beeraha,si bay yiraahdeen Wax Soo Saarka Beeraha Magaalada Juurile iyo deegaanada ku xeeranba kor loogu qaado,loogana faaiidaysto Khayraadka Beeraha ee dhulkeena.

Comments/Fikirkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*