7th September 2024  admin  Category :

Daladda Bariga Afrika: Soomaaliya oo su’aalihii ugu dambeeyay lagu weydiinayo Nayroobi

Magaalada Nairobi ayaa loo fadhiyaa kulan ay leeyihiin Soomaaliya iyo dallaka Afrikada bari, kaasoo looga arrinsanayo ku biiritaanka Soomaaliya ay ku biirayso urur goboleedka Afrikada Bari.

Sida ay wafdiga Somaaliya u sheegeen BBC waxaa shirka fadhiya dhamaanba todoabada waddan ee xubnaha ka ah ururka iyo wafdiga Soomaalida oo ah mid aad u ballaaran.

“Annagu waxaan dhannahay 45 qof oo ah shaqaale dawladda Soomaaliya u shaqeeya kuwaasoo ah kuwa ugu tacliin badan shaqaalaheenna, si aan uga jawaabno wixii nalaga weydiiyo galista ururka”, ayuu yiri Cabdisalaan Hadliye oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan ku biiritaanka urur goboleedka Afrikada Bari.

Waa suuq isku xiraya Badweynta Hindiya ilaa badweynta Atlantigga
Qoraalka sawirka,Waa suuq isku xiraya Badweynta Hindiya ilaa badweynta Atlantigga

Shirkan waa kii ugu dambeeyey

Cabdisalaan Hadliye wuxuu BBC u sheegay in afar tiir oo waaweyn ay leeyihiin xubnaha uur goboleedkaas. “Kan ugu horreeya waa in la isku daro canshuuraha iyo kastamada, kan labaadna waa in suuqyada la isku furo oo qof kasta uu ka ganacsan karo suuqyada dalalkaas, uuna ka iibin karo ganacsigiisa” ayuu yiri Hadliye.

Labada qodob ee kale ayu ku tilmaamay kuwo mustaqbalka fog ah oo la isku darayo lacagaha iyo in la noqdo sida “midowga Yurub oo kale”.

Shirka madaxda dalalka Afrikada Bari ee soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliya lagu ogolado xubinnimada Soomaaliya, ayadoo shirkan uu yahay kii farsamo ee ugu dambeeyey. Shirka madaxda ayaa la filayaa inuu dhaco bisha Nofembar.

Rajada ku biiritaanka

“Aan wada hadalno waa aan heshiinno, halkaas ayey maraysaa, uma jeedno wax naga hor imaan kara oo Soomaaliya dhib u gaysanaya, dalalka aan doonayno in aan ku biirnana dhib u gaysanaya. Waxaan u jeednaa fursad dadka Soomaaliyeed u furmi doonta oo ay suuq ka qayb gali doonaan” ayuu sii raaciyey ergayga Soomaaliya u qaabilsan ku biiritaanka Afrikada Bari.

Ergayga Soomaaliya wuxuu meesha ka saaray in wax caqabad ah ay haysato.

Calamada dalalka hadda xubnaha ka ah
Qoraalka sawirka,Calamada dalalka hadda xubnaha ka ah

Maxay ka faa’iidaysaa Soomaaliya

Saddex ka mid ah waddamada dalladdan ku bahoobay ayaa Soomaaliya u diray Kenyana waxaa daga dad Soomaali ah oo ay dhiig iyo dhaqan wadaagaan Soomaalida kasoo jheedda Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga jawaabay su’aashan, waxa uuna sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada ururkan isagoo sheegay in ay Soomaaliya heli doonto suuq ganacsi uu baaxad weyn.

“Waxaa loo baahanyahay in qofka Soomaaliga ah uu is weydiiyo maxaad ka gadi kartaa suuq saddex boqol oo milyan oo dad ah ama aad ka baran karta” ayuu yiri cabdisalan mar uu ka jawaabayey waxa ay ka helayso Soomaaliya, isagoo hadalka sii watana wuxuu yiri, “ saddex waxba waan samaysan karna, waxa ugu muhiimsan hadda eel aga hadlo waa helista cuntada, saddexda wax ee baahida cuntada tiri karana waan haysannaa.”

Waxaa uu ergaygu ku tilmamay saddexda wax ee baahida cuntada looga boxo kuwaas oo uu sheegay in Soomaaliya ay dhammaan haysto, dhul-beereed, bad iyo xoolo. “Waxaan haysannaa sided milyan oo hectar oo dhul beereed ah kaas oo u baahan waraab, waxaan xoolaha oo ama adduunka ugu badan ama Afrika ugu badan, waxaa kale oo aan haysanna badda ugu dheer uguna kalluunka badan Africa” ayuu yiri Cabdisalaan oo qaba in dhamaan waxyaabahaas uu soo sheegay loo suuq geyn karo suuqa Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale dadka Soomaalida ayaa dhammaan waddamadan ku leh ganacsiyo taasi oo sida uu ergaygu sheegay hadii ay Soomaaliya ku biirtu ururkan ay dadku heli karaan nidaam socdaal oo fudud.

Mar uu ka hadlayay ergaygu waxa ay Soomaaliya u faa’iidayn karto bulshada ururka wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay shaqaale xirfadaysan sida kuwa caafimaadka iyo wax barashada, oo uu ku sheegay inay shaqaale badan ka faa’iidi karaan bulshada dalladdu kasokow in suuqa ay Soomaaliya keeni karto badeecada kor ku xusan.

Cabdisalaan Hadliye
Qoraalka sawirka,Cabdisalaan Hadliye

Muxuu yahay ururka dalalka Afrikada Bari

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay. South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Ganacsiga iyo dadka waddamadaas ayaa si xor isaga kala goosha dalalka ururka ku bahoobay.

Ururkan ayaa waxaa hadda xubno ka ah dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Suudaanta Koofureed, Congo DR, Rwanda iyo Burundi. Haddii la ogolaado xubinnimada Soomaaliya waxaa toos isugu xirmaya badweynta Hindiya iyo Badda cas ilaa iyo badweynta Atlantigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*