27th July 2024  admin  Category :

Shaqaalaha Dahab shiil iyo Somtel oo ololaha SNM  si fiican uga dhex muuqda

Dhamaan degaanada beesha Reer  Maakhir waxa ka howl gala shirkado laga leeyahay gobolada waqooyiga Soomaaliya oo shaqaalaysiisa niman ka soo jeeda degaanadaas Maakhir  oo aaminsan fikirka ah in Soomaaliya laka gooyo, si taa loo helona la taageero argagixisada buuraha Calmadow ku jirta

Tusaale haddan u soo qaadano shirkadaha telefoonada waxa laga leeyahay Hargaysa, degaan kasta oo ka mid ah Maakhir oo ay doonayaan inay  ka howl gelayaan,  marka ugu horaysa iyaga oo dadka kala qaybinya ayeey  waxay ka  shaqaalaysiiyaan oday ka mid ah beesha reer Maakhir ee  ugu badan degaankaas, si uu  u ilaaliya Birta dheer ee  halkaa laga taagayo. Marka xigta shaqaalaha lacagta u soo Ururinaya isla beeshii ayeey ka gortaan .

Maxaa dhaca ka dib

Lacagta laga qaado telefoonada haba yaraatee wax canshuur ah lagama bixiyo. haddii shirkad kale ee telefoon timaado degaanka,  waxay ka dhaadhiciyaan beeshii horey loo shaqaalaysiiyey in iyaga  loo dan leeyahay si beelaha laysaga hor keeno. Taasina waxay keentay in ilaa maanta ayna cidna la tartamin  oo ay xaaraan ku joogaan degaanka Maakhir

Maalinta maamulka Hargaysa, howl gal ka  samaynayaan Maakhir  waa la gooyaa telefoonada . Maalintii Siilaanyo Laasqoray imanayey labo maalin ka hor  ayaa khadka telefoonka la sii gooyey. Alshabaab kasta oo la qabto wuxuu wataa mid ka mid ah telefoonadooda

Shirkadda Dahab Shiil   waxay kaga duwan yihiin kuwa telefoonada waa  iyagu   si aan gabasho lahayn ayeey  u  shaqaalaysiiyaan rag aaminsan fikirka xag jirnimada. Shaqqalaha Dahabshiil waxay aad ugu dhow yihiin alshabaabka Buuraha Calmadow, marka loo fiiriyo dadka degaanka ee  ay lacagta ka sameeyaan

Ugu danbayntii inta labada shirkadood xaaraanta ku joogaan Maakhir oo ayna hal shilin degaanka ku soo celinayn oo ay la shaqaynayaan cadowga SNM Iiyo alshabaab waa adag tahay in alshabaab laga saaro buurha Calmadow,

Fiiro gaar ah:

Sawirka sare waa mid ka mid madaxda Dahab shiil oo ka qayb qaadanaya Doorashada Soomaali la doonayo in lagu kala gooyo 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*