22nd December 2024 admin Category :
Shaqaalaha Dahab shiil iyo Somtel oo ololaha SNM si fiican uga dhex muuqda
Dhamaan degaanada beesha Reer Maakhir waxa ka howl gala shirkado laga leeyahay gobolada waqooyiga Soomaaliya oo shaqaalaysiisa niman ka soo jeeda degaanadaas Maakhir oo aaminsan fikirka ah in Soomaaliya laka gooyo, si taa loo helona la taageero argagixisada buuraha Calmadow ku jirta
Tusaale haddan u soo qaadano shirkadaha telefoonada waxa laga leeyahay Hargaysa, degaan kasta oo ka mid ah Maakhir oo ay doonayaan inay ka howl gelayaan, marka ugu horaysa iyaga oo dadka kala qaybinya ayeey waxay ka shaqaalaysiiyaan oday ka mid ah beesha reer Maakhir ee ugu badan degaankaas, si uu u ilaaliya Birta dheer ee halkaa laga taagayo. Marka xigta shaqaalaha lacagta u soo Ururinaya isla beeshii ayeey ka gortaan .
Maxaa dhaca ka dib
Lacagta laga qaado telefoonada haba yaraatee wax canshuur ah lagama bixiyo. haddii shirkad kale ee telefoon timaado degaanka, waxay ka dhaadhiciyaan beeshii horey loo shaqaalaysiiyey in iyaga loo dan leeyahay si beelaha laysaga hor keeno. Taasina waxay keentay in ilaa maanta ayna cidna la tartamin oo ay xaaraan ku joogaan degaanka Maakhir
Maalinta maamulka Hargaysa, howl gal ka samaynayaan Maakhir waa la gooyaa telefoonada . Maalintii Siilaanyo Laasqoray imanayey labo maalin ka hor ayaa khadka telefoonka la sii gooyey. Alshabaab kasta oo la qabto wuxuu wataa mid ka mid ah telefoonadooda
Shirkadda Dahab Shiil waxay kaga duwan yihiin kuwa telefoonada waa iyagu si aan gabasho lahayn ayeey u shaqaalaysiiyaan rag aaminsan fikirka xag jirnimada. Shaqqalaha Dahabshiil waxay aad ugu dhow yihiin alshabaabka Buuraha Calmadow, marka loo fiiriyo dadka degaanka ee ay lacagta ka sameeyaan
Ugu danbayntii inta labada shirkadood xaaraanta ku joogaan Maakhir oo ayna hal shilin degaanka ku soo celinayn oo ay la shaqaynayaan cadowga SNM Iiyo alshabaab waa adag tahay in alshabaab laga saaro buurha Calmadow,
Fiiro gaar ah:
Sawirka sare waa mid ka mid madaxda Dahab shiil oo ka qayb qaadanaya Doorashada Soomaali la doonayo in lagu kala gooyo