27th May 2022  admin  Category :

Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo ka hadlay dagaalkii Baladxaawo ka dhacay

Wasiirka Warfaafinta dawlad goboleedka Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamad oo shir jiraa’id ku qabtay deegaanka Dhoobley ayaa ka warbixiyay dagaalka maanta ka dhacay dagmada Baladxaawo.

Dagaalkaas oo ay soo qaadeen ciidankii ay muddooyinkan dawladda Federaalka ku soo daabulaysay gobolka Gedo ayay iska caabiyeen Ciidanka Daraawiishta dawlad-goboleedka Jubbaland ee ku sugan Baladxaawo.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in dawlada federaalku ay ka soo jeedsatay dagaalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab oo ay uso jeedsatay burburinta maamul goboleedyada isla markaana ay colaad ka abuurayso deegaanno ay nabad ka jirtay

Wasiirka ayaa sheegay in Jubbaland ay difaaci doonto deegaanadeeda wixii cawaaqib xumo ah oo dagaalkaas ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadi doonto dowlada federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*