28th April 2024  admin  Category :

Maleesiyaadkii SNM ee Soomaaliya diidka ahaa jab weyn ayaa ku dhacay

Dagaal u dhexeeya maleeshiyaadla SNM iyo Ciidamada dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool sida ay soo sheegayan dadka ku nool tuuladaasi.

Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan Ciidamada khaatumo ay weerar culus ku qaadeen taliska maleeshiyaadla SNM ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu  ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaaray .

maleeshiyaadla SNM ayaa lagu Soo waramaya in ay Weerarkaas kala kulmeen Jabweyn , Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray, maleeshiyaadla SNM sidoo kale waxaa laga Gubay Baabuur Tiknoko ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*