26th July 2024  admin  Category :

Weerar culus oo la isku adeegsaday hubka dhoocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay gudaha Laascaanood,

Weerarkan waxaa fuliyay ciidan beesha Bahrarsame ah waxay ku qaaden Saldhiga Ciidanka Somaliland ee Gudah laascaanood.

Ciidanka Beesha Bahrarsame waxaa usuuro gashay inay ay xoog kula baxan Sadex kamid ah dhagar qabayaashii SNM ku haysatay laascaanood ee habeen sadexaad ku dilay Duleedka Kalabaydh labo Marxuum oo reer Buuhoodle Ah,

Odayaasha iyo waxgarada Beesha Bahrarsame ayaa fashiliyay qorshihii SNM ee ahaa isku dilka Beelaha Dhulbahante, waxaana hada loo qaaday dhagar qabayaasha Magaalada Kalabaydh si loogu wareejiyo beesha Axmed Garaad,

Somaliland ayaa ku fashilantay qorshahan kadib markii awood ciidan loo adeegsaday,

Danka kale Maleeshiyaadka Somaliland ayaa isku gamaaday maydka labo nin oo reer Buuhoodle, ah oo yaal Hospitaalka laascaanood kuwaaso la doonaayay in loo qaado kalabaydh.

Wasiirka Warfaafinta SNM Saleebaan Cali koore, aya ciidan ku wareejiyay hospitaalka Laascaanood isagoo diiday in maydka loo qaado Kalabaydh.

SNM ayaa xaaladu hada kaga soo ururtay inay gaadh ka yahaan mayd sadex maalin yaal kadib markii maanta xoog looga qaaday dhagar qabayaal ay ku ilaa shanaayen Gudaha Laascaanood si la iskugu dilo Beelaha Dhulbahante,

Dhanka kale Somaliland waxay xabsi ku gurtay qaar kamid ah odayaasha beesha Bahrarsam

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*