11th December 2024 admin Category :
Wasiirkii dagaalka SNM iyo maleeshiyaadkii uu watay oo ka cararay magaakada Hadaafrimo.
Wasiirka dagaalka maamulka SNM Ciise Xawar, ayaa dhowaan sheegay inuu noqon doono wasiirkii ugu horeeyey ee ka soo jeeda maamulka SNM ee booqasho ku tegi doona Degmada Badhan ee gobolka Sanaag.
Wasiirka dagaalka Somaliland Ciise Xawar ayaa si dhuumasho ah ku galay Hadaaftimo isaga oo la soo hadlay Suldaan Said Abdisalaam oo Hadaaftimo fadhiisin u ah.
Puntland ayaa ka war heshay markii ay Tuka-raq ka soo Baxeen waxana loo diray Gaadiid Dagaal oo Sanaag joogay.
Saaka lixdii subaxnimo ayaa ciidanka Puntland weerar ku qaadeen maleeshiyaadkii SNM. 15 daqiiqo ka dib maleeshiyaadkii SNM oo ka baqay inay ku dhacdo jabkii Tukaraq ka raacay mid la mid ah ayaa iyaga oo cararaya Waxay wada galeen oo gabaad ka dhigteen guriga Suldaanka oo markii horeba ay ku sugnaayeen wasiirka iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeday maamulkaas.
Isla maantaba wasiirkii doonayey inuu Badhan raalin gelinta SNM ku tago, ayaa Ciidanka Puntland waxa looga baryey inuu ka soo baxaan Guriga Suldaanka oo loo ogolaado inuu Hargaysa ku laabto.
Maamulka Puntland iyo hogaanka Ciidanka Puntland waxay ogolaadeen in Ciise Xawar iyo maleeshiyaadkiisu ay galbeed ku laabtaan, laakiinse odayashii degaanku waxay ka diideen Ciidanka Puntland in Ciise Xawar iyo maleeshiyaadkiisa ay hub ka dhigis ku sameeyaan
Ciise sawirkii uu doonayey inuu ku galo Badhan oo beelaha Isaaq ku raali geliyo , galabta wuxuu ku galay beerta xoriyadda ee Ceerigaabo
ALLSANAAG.COM