29th March 2024  admin  Category :

Wararka ka imaanaya degaanka Af Urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay saaka goor hore ay weerar ku qaadeen goobtaasi oo saldhig u ahayd ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa daraawiishta.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa VOA u sheegay in weerarka ay saldhigga kusoo qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabab, isla markaana uu goobta ka dhacay dagaal socday muddo laba saacadood ah.

Sida aanu xog hoose ku helayno ku dhowaad 50-Qof oo dhaawac ah ayaa la keenay Cisbitaalada Carmo iyo Bosaaso,Walow aan la ogaan karin tirada rasmiga ah ee dhimashada,maadaama aan la geli karin tuulada afurur oo dagaalku ka dhacay,bacdamaa ay kooxdu jartay Isgaarsiintii deegaanka,isla markaasina ay miino ku wada xireen jidadka tuulada afurur soo galla.

Waxa xusid mudan in kooxdu dilka dadka intooda badan ay u adeegsadeen Gowrac,halka qaarna ay la dhaceen rasaas nool nool xaaladooda Caafimaadna ay khatar tahay xiligan.

Weerarkan oo dhacay hirtii waaberi ee saaka ayaa khasaaraha ka dhashay laga dareemay guud ahaan Puntland,iyadoona gurmadyo kala duwan ay gobolada dalka ka kala imaanayaan,gurmadyadaas oo ay sameynayaan Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo kooxdan ka fuliso buuraha Galgala, wuxuuna kusoo aaday xilli muddooyinkii dambe ay yaraayeen weeraradii lagu qaadi jiray kooxdan ee ka dhici jiray buuraha Galgala.

Ururka Al-Shabab ayaa hore u weeraray saldhiga Af Urur waxaana weerarkaasi looga dilay 9 maleeshiyo ah halka ciidanka Puntland ay ka dhinteen 4 askari bishii Janaayo ee sannadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*