23rd October 2024  admin  Category :

Dad qalatooyinkii Alshabaab asaasay, kii ka noolaa oo Villa Wardhiigleey diyaarad ku soo qaaday

Mukhtaar Roobow ayaa goordhoweyd ka degay Muqdidsho, waxaa diyaarad ay dowladdu u dirtay kasoo qaaday Xudur oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa amnigiisa la adkeeyay, waxaana la socda Roobow , Wasiirka Gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad sugida oo kasoo qaaday Xudur.

Roobow ayaa hore usoo noqday ku xigeenka Amiir-ka Alshabaab oo markii danbe khilaaf soo kala dhexgalay, Mareykanka ayaa dhowaan ka saaray Roobow Liiska saraakiisha alshabaab ee uu lacagta dul dhigay.

Indhoweyd waxaa socday wadahadal u dhexeeya wadaadka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo inay soo dhamaadaan dhakhso ay sabab u ahayd weerar alshabaab ku qaaday Roobow, illaa uu markii danbe isu dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Rooboow, waa dad qalka ka noolaa dadqalatoyinkii asaasay Alshabaab oo Soomaali badan gumaaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*