26th July 2024  admin  Category :

Dad ku dhintay Roob xooggan oo xalay ka da’ay Muqdisho

Roob xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare kala duwan, iyadoo xaafado badan ay noqdeen kuwo go’doon galay, markii daadadka ka dhashay roobabka ay galeen xaafadaha.

Inta la og yahay labo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen roobabkii xalay, waxaana geerida sababtay markii guryo ay degenaayene uu ku soo galay daadadka roobka, isla markaana dumay.

Wararka ayaa sheegaya in roobabka ay saameynta ugu weyn ay ku yeesheen dadka barakacayaasha, ee degan guryaha ka sameysan cooshadaha iyo bacaha.

Sidoo kale kale roobabka ayaa waxay saameyn ku yeesheen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Wadajir, Boondheere, waxaana dadka deegaanka ay ahaayeen kuwo xalay aan indhaha isa saarin, kaddib markii biyaha ugu galeen guryahooda.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho sida Wadnaha, qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama iyo wadooyinka isku xira xaafadaha sida Buuloxuubey iyo kuwo kale ayaa waxaa qariyey Daada iyo Ciid oo keenay in gaadiidku adeegsan waayeen ama dhibaato ku maraan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax xal ah u heynin nidaamka magaalada iyo wadooyinkeeda oo markii roobka yimaadaan aan lahayn si loo maareeyo, waxayna booyado ku dhuuqaan meelaha ay fariistaan biyaha, taasoo mar kasta soo laabata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*