29th March 2024  admin  Category :

Dad ku Dhintay Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Muqdisho


Sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada Muqdisho shan qof ayaa ku geeriyooday weerar ismiidaamin ah oo fiidnimadii caawa ka dhacay nawaaxiga Sadexda Geed ee degmada Shangaani.

Afhayeenka ciidanka booliska Sadiq Cali Aadan ayaa sheegay in dadka geeriyooday uu ku jiro ilmo yar iyo qofkii ismiidaamiyay. Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhoweyd wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo saldhig boolis.

Qaraxan ayaa imanaya iyadoo uu soo xirmay shirkii hordhaca ahaa ee ay lahaayeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka dhacay xerada Afisyooni ee Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*