29th March 2024  admin  Category :

Shiikh Shariif, Xasan Shiikh, Mustafa Dhuxuloow, Ca/rixmaan Ca/shakuur, Mahad Salaad, Fiqi, Odawaa, Daahir Geele, Ca/kariin Guuleed, Caynte, Cosoble, Kheeyre, oo dhammaantood ka soo wada jeeda beesha Hawiye ayaa habbeen iyo maalin u dhaaranaya Madaxweeyne Farmaajo. Hadii caasimadda Soomaaliyeed ay maanta ahaan laheeyd magaalada Baydhabo, Kismaayo, Hargeeysa ama Boosaaso miyeey ku dhici lahaayeen wiilashaa Hawiye ee giirka kicinaya ineey cid u dhaartaan?

Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Bisad gurigeeda joogta miciyo libaax ayeey leedahay” Nimankan kor ku xusan dhammaantood awooda ay maanta isku bidayaan magaalada Muqdisho kuma yeesheen Baydhabo, Boosaaso, Hargeeysa iyo Kismaayo.

Hadaba, shaqsiyaadkaas kor ku xusan heerka ay doqonimada la gaartay, waxeey ku leeyihiin Ra’iisal Wasaare Rooble xafiiska ha sii joogo, Farmaajose ha ka soo baxo Villa Soomaaliya. Hadii cid ay Villa Soomaaliya ka soo baxeeyso waxaa ka soo baxaya Ra’iisal Wasaare Rooble maadaama uu Farmaajo soo magacabaabay. Farmaajo waxa uu ku yimid doorasho illaa madaxweeyne kale la soo magacaabayana waxa uu sii joogi doonaa xafiiska.

Si kastaba ha ahaato, arrimaha Muqdisho ka soo cusboonaaday ee ah caga jugleeynta lagu hayo Farmaajo, waxeey u tahay cashar dadka aan Hawiyaha aheeyn. Tani waxeey inoo sheegeeysaa in Muqdisho aysan weli ka gudbin qabyaaladda, ayna degan yihiin dad aan waxba u arag hadii ay Muqdisho dhulka la simaan iyo hadii kale.

Muqdisho billicda iyo quruxda ay leedahay waxaa suurta gelliyey Soomaalida kale ee aan Hawiyaha aheeyn iyo beesha caalamka. Waxaad la socotaan shaqsiyaadka maanta hanjabaya ay la socdaan dhibkii ay Muqdisho soo martay. Waxaa xirnaa dekedda, garoonka diyaaradaha, waxaa kalla xirnaa xaafadaha Muqdisho, dadkuna waxeey ahaayeen kuwa daacaya dhibaato aan dhammaad laheeyn.

Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in Soomaaliya ay hesho caasimad ka madaxbannaan dadkan wax burburinaya. Waa in la hellaan caasimadd dadka ay ku kalla baxaan hadal iyo ixtiraam, waa in la hellaa caasimad ineey dhisanto ma’ahee aan looga baqeeyn in ay burburiyaan Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif iyo kuwa la midka ah, waa in la hellaa caasimad ay ka soo toosaan dad aragti dheer leh oo aan aheeyn kuwa maanta Muqdisho ka soo toosaya ee ku fakiraya wax billilaqeeysiga, burburinta iyo barakicinta. Muqdisho oo caasimada sii ahaata, waa burbur ku iman kara dawladnimada Soomaaliyeed mar ay noqotaba.

Muuqaalka hoose waa Muqdisho oo nimankaa dhaaranaya ay sidaa ka dhigeeyn, maantana waxaa ay rabbaan in wixii yaraa ee la dhisay ineey dib u cunnaan.

2 thoughts on “Dad aan Burburinta Dhib u Arag

  1. Jaamac

    Asc. Walaal keeyow hadii dhibka soomaliya haysta aadkusoo koobtay nimanka aad kor kusoo sheegtay amase Qabiilka Hawiye taas waxaan umalaynayaa Cadaalad in aadan u dhihin sabab too ah haday sidaas tahay inta Qabiilada kale isku tagaan ayay Dowlad shaqaysa dhisan lahaayeen cid u diidan majirto, arinta Caasimada anigu waxaan qabaa bal in latijaabiyo magaalo kale oo aan Hawiye daganayn markaas waxaa noo soo bixi lahayd miisaan ah in Hawiye loo darsaday iyo in lagaraystay , aniguse waxaan soo ogaaday dhul Hawiye dagan yahay xitaa deegaan iska daaye hadaad safar ku tagtay in Edab meel ku fadhinayso adigoo lafahaaga u Baqaya, Arinta Dakada iyo Airabort waxaan Filayaa in fureen Maxkamadihii Muqdisho intii kadan baysana shaqadu socotay, ilaahay waxaan kabar yaynaa in xagwalba naga khayro Amin.

    Reply
  2. Haashim

    In caasimada la geeyo meel aan Hawiye ka dhaweeyn waxaa ku jira xalka shacabka Soomaaliyeed. Soomaali waa qabiilka kaliya ee inuu wax burburiyey taariikhda gallay. hadeerna waxaa la leeyahay war guriga ha gubina. Hadaba dadka sidaa sameenaya waa maskaxdii iyo aqoonyahankii reerkaas.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*