12th January 2025  admin  Category :

Sawirro muujinaya saameynta dabka Los Angeles iyo sida uu magaalada u baabi’iyay

Waa sawirro awood badan oo ku saabsan burbur, khasaaro iyo geesinnimo.

Dabka ayaa aad ugu faafay Los Angeles, isagoo kumannaan qof ku qasbay inay qaxaan iyagoo badqabkooda u baqaya wuxuuna sidoo kale burburiyay guryo ad u qurux badan iyo kuwo kharash badan uu ku baxay.

Iyadoo dabku uu sii faafay, sawirradan xoogga badan ayaa inoo sheegaya sheekooyin ku saabsan baqdin, murugo iyo niyad-jab iyo dadka oo garab isku siinaya magaalada California.

Mareykanka
Qoraalka sawirka,Dab-damiyeyaasha ayaa xakameeyay dabkii ka holcayay magaalada Pacific Palisades

Calaamadda ugu horreysa ee walwalka ay dad badan qabeen ayaa ahayd qiiqa adag ee kasoo baxayay buuraha aagga Pacific Palisades ee magaalada Los Angeles, oo xad la leh Santa Monica iyo xeebta caanka ah ee Mal

Mareykanka
Qoraalka sawirka,Santa Monica oo meel fog laga arkayo qiiqa dabka Palisades

Dadka LA ayaa la qabsaday dabka balse dabkan Palisades degdeg ayuu u faafay iyadoo waxba laga qaban waayay. Cimilada qallalan iyo dabeylaha xooggan ayaa dabka sii holciyay waxayna adkeeyeen in wax laga qaban waayo.

Mareykanka
Qoraalka sawirka,Dabeylaha ayaa sii holciyay dabka buuraha kasoo kacay
Mareykanka
Qoraalka sawirka,Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya qiiq kasoo baxay dabka kasoo kacay buuraha gaarayna badda
Mareykanka
Qoraalka sawirka,Diyaaradaha ayaa isku dayayay inay damiyaan dabka iyagoo biyo ku shubayay holaca
Mareykanka
Qoraalka sawirka,Dab-damiyeyaasha ayaa ugu dambeyn isku dayay inay badbaadiyaan guryaha

Dadka ayaa lagu amray inay guryahooda isaga baxaan. Qaar ayaa keliya heystay daqiiqado ay ku qaataan alaabahooda qaaliga ah ayna isaga baxaan

Mareykanka
Qoraalka sawirka,Dadka ku jira guryaha dadka lagu xannaaneeyo ayaa u baahday caawinaad si ay halkaasi isaga baxaan
Mareykanka
Qora alka sawirka,Dadka hoy la’aanta ah ayaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay inay raadsadaan meel ay ku hoydaan
Mareykanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*