8th February 2023  admin  Category :

Faysal Cali Waraabe oo xaflad ku qabsaday meel aan ka fogayn halkii lagu dilay wiilka Calanka Soomaaliyeed ku labisnaa.

Maalmo ka dib, markii Maamulka Hargaysa ay gabdho aan labaatankii gaarin ay ka afduubteen Laascaanood oo ilaa hadda aan la ogayn meel ay geeyeen, markii ay Afhayeenkii Daarood Jeelka dhigeen, iyagoo u arka Bahdilaad beeleed, markii Wiil yar oo marti u ah oo arday ah ay madaxda uga toogteen Calanka Soomaaliyeed uu xidhan yahay ayaa hadda waxay bilaabeen dabaal degyo ay u arkaan inay guul gaareen.

Goob ka mid ah magaalada Boorame oo aan ka fogayn halkii lagu toogtay Wiilkii yaraa ee Soomaaliyeed ee ku labisnaa Calanka Soomaaliyeed ayaa Faysal Cali Waraabe iyo kooxdiisu waxay ku qabsadeen xaflad ay uga digayaan caruurta kale ee reer Puntland ee Borame wax ka barata inay xirtaan Calanka Soomaaliyeed. Marka ay digniintan dirayaan madaxda Isaaq, meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya waxa loo fadhiyaa tacsidii dilkii ay horay u gaysteen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*